Iran oo Shaaca Ka Qaaday Gantaallo Cusub oo ay Soo Saartay
WARYA TV- Wasiirka difaaca ee dalka Iran ayaa shaaca ka qaaday gantaallo cusub oo kuwa liishaanka dhexe ah oo uu sheegay inay yihiin kuwa aanu raadarku qabanayn. Jeneraal Axmed Fahiidi ayaa wuxuu u sheegay wakaaladd wararka ee IRNA maanata in gantaalkan oo magaciisa la yidhaahdo uu awood u leeyahay inuu baabiiyo maraakiibta dagaalka.
“Gantaalkan Nasr-1 wuxuu awood u leeyahay inuu baabiiyo markab illaa 3,000 oo tan ah,” ayuu yidhi
Gantaalkan
waa nooca laga rido dhulka hase ahaatee mid loo beddeli karo in laga
soo rido helikobtarada iyo gujisyada, ayuu Fahiidi hadalkiisa ku daray.
Iran ayaa beryan oo dhan kolba ku dhawaaqaysay horumarka ay ka samaysay xagga tiknoolajiyada milatariga.
Jamhuuriyadda Islaamiga ahi waxay isku fillaansho xagga milatari gaadhay 1992, iyadoo soo saarta hubka culus sida Taangiyada, gantaalada liishaanka dhexe, dayuuradaha dagaalka iyo toorbiidooyiinka.
Fahiidi wuxuu furay bishii hore masnacyo soo saara gantaalada, mid loogu magac daray Qaaim iyo mid la yidhaahdo Duufaan-5.
WARYA TV









