Canada Oo Al Shabaab Ku Dartay Liiska Argagixisadda Caalamiga Ah.
2010-03-08
Dowladda Canada ayaa sheegtay inay Ururka Al Shabaab ee ka Dagaalama gudaha Dalka Soomaaliya ay ku dartay Liiska Argagixisadda.
Wasiirka Amaanka Dalka Canada Vic Toews ayaa Shaaca ka qaaday inay Ururka Al Shabaab ku dareen Liiska Argagixisadda markay ogaadeen inay Taba baridda Dhaliyaro Soomaaliyeed ay ka wadaan gudaha Dalkooda.
Vic Toews wuxuu ka dhawaajiyay inay Mamnuuc ka yihiin Dalka Canada Shaqsiyaadka la leh Xiriirka Ururka Al Shabaab iyo inta taageertaba.
Sikastaba ha ahaatee hadalkaan ka soo yeeray Dowladda Canada ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Xukumadda Britain ay Ururka Al Shabaab ka mamnuucday Dalkeeda ayna sheegtay inay hor is taagi doonto dhaq dhaqaaqyadda ay ka wadaan Dalkeeda.
WaryaTv Nairobi Kenya









