8-Maarso Maalinta Haweenka Aduunka.

2010-03-08
Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo ku beegan 8-Bisha Maarso ahna maanta oo isniin ah,ayaa la filayaa in laga wada xuso Goboladda Dalka Soomaaliya iyo guud ahaan Wadamadda Caalamka.
 
Meelaha lagu xusayo 8-Maarso waxaa kamid markaan usoo laabano Bariga Afrika
Kenya,Ethiopia,Uganda Somaliland,Puntland iyo qaybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Iyadoona sidoo kale laga xusayo wadamo baddan oo ku yaala Caalamka ayaa haatan waxaa socotay Qaban Qaabo ku aadan Xaflado lagu xusayo Maalinta Haweenka Aduunka.
 
Xafladahaan ayaa socon doona ilaa iyo Caawa Saqda dhexe iyadoo Haweenkuna ay damaashaadayaan
lagana arkayo inay kufaraxsan yihiin maalintaan.
 
Xuska Maalintaan Haweenka Aduunka ayaanan laga xusahayn dhamaan meelahay gacanta ku hayaan
Ururada Alshabaab iyo Xisbul Islaam. oo iyagu aan ogolayn in wax xus ah laga dhigo Gobolada ay
Gacanta ku hayaan.
 
Isku soo wada duuboo Maalinta Haweenka Aduunka ayaa ah Maalin laga weyneeyo Wadamo baddan oo Aduunka dacaladiisa kuyaal kuwaas oo laga dhigo Xafladdo aad u waaweyn oo ay Hogaaminyaan
Haweenka kukala dhaqan daafaha Dunida
 
WaryaTv-Nairobi Kenya
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com