Muslimiin Iyo Gaalo Isku Bireeyay Nigeria.

2010-03-08

 Bartamaha Dalka Nigeria ayaa waxaa ka soo cusboonaaday Dagaalo u dhexeeyay Muslimiinta iyo Gaaladda Dalkaas kuwaasoo iyagoo isku adeegsanaya Midiyo,Budhah iyo Baangado iska bireeyay ama Gowracay Dad gaaraya 500 oo ruux.

Dagaaladaan ayaa bar bar socda Dagaalo Goobo Cibaado dhalinyaro weerareen 17 January,waxaana haatan la soo sheegayaa in is u gaarsigu uu ku fidey Degaano baddan oo ku yaala Bartamaha Dalka Nigeria.

Gowraca iyo Dirirta oo ka dhacday Degaanka Jos halkaas Dadka la laayay ay u badanyihiin Dumar iyo Caruur sida goob joogayaal xaqiijiyeen.

Boqlaal Dad ah ayaa isaga cararay Guryahooda iyagoo ka cabsi qaba Weeraro loogu soo qaado diima ay haystaan owgood.

Isku soo wada duuboo Ciidamadda Dalka Nigeriya ayaa la sheegay inay haatan go doomiyeen Degaanadda Dirirtu ka dhacday iyadoo wadooyinka ay buux dhaafiyeen Dad Unuunka ama Qoorta laga wada jaray.

WaryaTv Lagos Nigeria

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com