Qarax Ka Dhacay Dalka Pakistan
2010-03-08
Inta la ogyahay 11 ruux ayaa geeryootay 61 kana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray oo 13 ka mid ahi Xaalad adag ay ku suganyihiin Qarax ka dhacay Magaaladda Lahore ee Dalka Pakistan.Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa lala beegsaday Xarunta Dib Baarista waxaana Qaraxa loo adeegsaday Sida ay sheegeen Khabiiriin Walxaha Qarxa oo Culeyskoodu gaarayo 800 Kilogram.
Dhismayaal baddan ayaa dhulka la simay markii Qaraxaan lagu weeraray Xarunta iyadoona indhuhu qabanayeen boqolaal Gaadiid ah oo ku baa ba'ay Qaraxa.
Isku soo wada duuboo Macadda cida ka dambaysa Qaraxa balse waxaa la aaminsanyahay inay ka dambeeyaan Xoogaga Daalibaan oo 2009 kii Qarax Xarunta lala beegsaday sheegtay.
WaryaTv Lahore Pakistan









