Sarkaal Ka Tirsan Al Qa'ida Oo Gacan Galay.
Saraakiil sare oo ka tirsan Dalka Pakistaan ayaa shaaca ka qaaday in Maalinimaddii Shalay aheyd ay gacanta ku dhigeen Sarkaal Sare oo ka tirsan Urur Weynaha Al Qaa'ida una dhashay Dalka Maraykanka kaasoo ka mid ahaa Xubnaha aadka loo doondoonayay.
Adam Yahiye Gadahn ayaa labo Sarkaal oo ka tirsan Saraakiisha Pakistaan ay shaaciyeen in Axaddii shalay aheyd lagu qabtay Magaaladda Xeebta ah ee Kirachi.
Adam Yahiye Gadahn ayaa Xirii toos ah la leh Hogaamiyaha Urur ka Al qaida Sheikh Osama Bin Laden waxaana uu horay u soo diray Cajilado Muuqaal ah uu uu US uga digayo Weeraro ku soo wajahan.
FBI da Maraykanka ayaa tan iyo 2004 tii aad u doon doonayay Adam Yahiye Gadahn Aduungaaray iyagoona cidii soo sheegtay halka hoy u ah u balan qaaday Aduun gaaraya 1 Milyan oo Lacagta Ameerikaanka ah.
Adam Yahiye Gadahn oo ku magac dheeraa Azzam Al-Amreeki ayaa ku dhashay Oregon on Sept. 1, 1978,isagoona ka soo jeeda Jewish.
Gunaanadkii Saraakiisha Pakistaan ayaa horay Shaaca uga qaaday inay Gacanta ku dhigeen 4 Sarkaal oo ka tirsan Al Qaida iyadoona la ogayn halka dhabta ah ee ay dhaadhiciyaan.
WaryaTv IslamaBad Pakistan









