Xuska Maalinta Haweenka Aduunka Oo Laga Xusay Hargeysa
Masuuliyinta kala duwan oo xuska maalinta haweenka
ee 8 March ka hadashay ayaa si guud uga sheekeeyey qiimaha ay maalintani
haweenka aduunka ay ku leedahay, waxaanay aad ugu dhiiri galiyeen xukumada
somaliland in si isku mida ah ay u haleen raga iyo dumarku xuuqdooda.
Guddoomiyaha Hayada xuquuqda Axmed Xaaji Daahir
Cadami ayaa aad ugu booriyey haweenka Somaliland inay fahman kaalinta ay kaga
jiraan qaranka Somaliland, waxaanu intaas ku daray in haweenka kobciyaan
aqoonta aas aasiga ah iyo ta caalamiga ah.
Xuskan maalinta 8 March ayaa si weyn uga duwanaa
dabaal dagayadii ka horeeye, waxaana maanta beerta xoriyada ee magaalada
Hargeysa isugu soo baxay haween aad u tiro yar, sidoo kale dhanka asxaabta
qaranka ayaa aad ugu yaraa fagaaraha beerta, balse waxaa dhankooda dareenka
shacabka kiciyey kooxda baamboyada oo kaalin mug leh ka qaadatay xuska
maalintan.
Xuska maalinta haweenka ayaa maanta haba yaraatee
lagu soo hadal qaadin tacdiyada loo gaysto haweenka somaliland iyo horumarka ay
gaadheen, waxaase si weyn loogu dhiiri galiyey haweenka sidii ay siyaasada
dalka uga qayb qaadan lahaayeen.
Isku soo wada geeyo waxaa maanta gobolada somaliland
badankooda laga xusay maalinta haweenka Aduunka, maalinta ayaa waxaa lagu meel
mariyey xusitaankeeda shir ka dhacay caasimada wadanka Demark ee Copenhagen
sanadii 1945-kii.
Xafiiska Wararka Ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by:- Ibraahim Abdirahman Qaasim









