Cusbitaal U Gaara Dadka Aadka U Isticmaala Internet-ka Oo Laga Furay Roma
Magaalada
Roma ee caasimada dalka Talyaaniga ayaa noqotey magaaladii ugu horeysy ee
qaarada Yurub laga sameeyo xarun gaar ah oo lagu daaweeyo dadka aadka sida xad
dhaafka ah u isticmaalka Internet-ka.
Cisbitaalka
caanka ah ee Policlinic Gemelli oo ku yaal magalada Roma ayaa laga sameeyey
qayb caafimaad oo gaar u ah dadka ku walfay Isticmaalka Internet-ka, kuwaas oo
si ka baxsan xadka loogu tala galay u adeegsada Internet-ka.
Lucio
D’Alessandris oo ah psychologist ka hawl gala xaruntaasi daaweynta dadka sida
xad dhaafka ah u isticmaala Internet-ka ayaa sheegay in inta badan dadkaasi ay
u badan yihiin dad dhalinyaro ah oo waqti aad u badan galiya isticmaalka
Internet-ka, kuwaasi oo loogu magac daray (Internet Addict), waxaana uu sheegay
in dadkaasi ay u badan yihiin psychology-ahan sidii loogu daaweyn lahaa.
Gemelli waa xarunta caafimaad ee ugu weyn
magaalada Roma waxaana ka mid ahaa dadkii lagu daaweyn jirey Isbitaalkaasi loo
sameeyey qaybta gaarka ah ee dadka sida qayru caadiga ah u isticmaala aalada
Internet-ka Baadarigii hore ee Mad-habta
Catholic-ga ee Kirishtaanka Pop John Poul-kii geeriyoodey.
“Xad ka baxsanaanta isticmaalka Internet-ka waxay noqotey mid aad sare ugu sii
kacaysa, waxaana ugu badan dhalinyarada, kuwa badan oo ka mid ah waa dad
xanuunsan oo qaba cuduro nafsaani ah, lama hadlaan dadka dariskooda ah,
banaanka si dhib ah ayay ugu baxaan ama u aadaan, waxaana habeenkii oo dhan ay
ku jiraan wada sheekaysi (Chatting) ay kula hadlayaan asxaabtooda” ayuu yiri
Lucio.
Xarumo
caafimaad oo ku kala yaal Mareykanka,, Jabaan iyo Shiinaha ayaa horey u
sameeyey qaybo gaar ah oo loogu tala galay dadka uu sida waalida ah u isticmaalka
Internet-ka.
Facebook
ayaa noqdey aalada dhanka Internet-ka ugu badan ee dunida isla markaana ugu
balaaran ee xidhiidhka dadweynaha, waxaana war laga soo saarey Cisbitaalka Roma
ee dadka isticmaal Internet-ka lagu sheegay in Facebook uu dadka ku leeyahah
saameyn dhanka xaraarada.
Dhinaca kale jasiiradda
Time Online oo mid ka mid ah dadka aadka u isticmaala Internet-ka waraystay
oo lagu magacaabo Ben Alexander ayaa sheegay inuu yeeshay saaxibo
caalamka ku baahan oo xitaa ay ku jiraan aktaradda filimaanta metela
sidaas darteenna aanu haleelin inuu wax cuno, waxaanna uu sheegay ina tiradda
dadka uu la xidhiidho ay dhan yihiin 12 milyan oo ruux
salosahal@hotmail.com









