Fadhigii Golaha Wakiilada Oo Maanta Baaqday Iyo Dareenada Ku Xeeran

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-03-08

Hargeysa (Waryatv.com), Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo baaqday kadib markii ay golaha ka soo xaadiri waayeen xildhibaanada intooda badani, waxaana maanta la filaayey in si weyn looga doodo afar qodob oo ay golaha soo hor dhigeen qaar ka mida guddiyada Golaha Wakiiladu.

Shalay ayay ahayd markii uu si rasmi ah u furmay Goluhu, balse Guddoomiyaha wakiilada Somaliland ayaa xildhibaanada faray in maalinta bari ah (Maanta) ay ka doodi doonaa qodobada loo qabiyey ee uu ka kooban yahay kal fadhiga 11-aad.

Qaar ka mida xildhibaanada Golaha ayaa sheegay in aanay jirin kooram la’aan soo food saartay Golaha maanta, balse waxay sheegeen in ay jiraan cilado kale oo golaha dhexdiisa ah, taasina ay sababtay in maanta uu goluhu fadhiisan waayo.

Mar aanu isku daynay in aanu ciladahaas wax ka ogaano ayaa haba yaraatee aanay noo suura galin, kadib markii ay ka gaabsadeen xildhibaano aanu wax ka weydiinay.

 

 

Xafiiska Wararka Ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by:- Ibraahim Abdirahman Qaasim

Ibrahimqasim@waryatv.com

 

 

 

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com