Munaasibad Lagu Xusaayey Maalinta Haweenka somaliland Oo Lagu Qabtay Hargaysa
Hargaysa (Waryatv.com)- Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo lagu xusayay munaasibada maalinta haweenka adduunka ee 8-da March oo lagu qabtay fagaaraha beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa.
Xafladaasi oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u tiro badan waxa kale oo iyaguna ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socday Haayadaha caalamiga ah ee dalka ku sugan iyo masuuliyiinta ururada Haweenka qaarkood.
Wasiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamuud Siciid Maxamed, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka sokow hambalyada uu u diray haweenka Somaliland waxaanu ka hadlay kaalinta ay Haweenku kaga jiraan dhaqanka ummadda reer Somaliland waxaanu yidhi "Haweenka waxaan leeyahay waa inaad idinku is aqoonsataan aqoonsi idin kama maqnee, doorkiina siyaasaduna wuu kordhi doonaa haddii alle yidhaahdo."
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta bulshada Somaliland Marwo Faadumo Suudi Xasan oo ka hadashay munaasibadaasi ayaa Dhambaal Hambalyo ah u dirtay haween weynaha Somaliland iyo Haweenka caalamkaba.waxaanay sheegtay in wasaaradeeddu ay soo qaban qaabisay Xaflado munaasibadan loogu dabaal degayo oo lagu qabanayo gobolada dalka oo dhan.
Wasiirku waxay sheegtay in haweenka ay laf dhabar u yihiin bulshada 97% waxaanay tidhi "Waxaan leeyahay ragoow Balan qaadyada aad dumarka u qaadaan ka dhabeeya oo dumarka indhahooda tusa wixii aad u balan qaadeen."
Sidoo kale waxa xafladaasi hadalo mahad naq iyo dhiiri gelin isugu jiray ka soo jeediyay Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax iyo Guddoomiyaha Komishanka xuquuqul insaanka Somaliland Mr. Axmed Yuusuf.
Dhinaca kale, xaflado noocan oo kale ah ayaa maanta lagu qabtay gobolada dalka qaarkood, xafladahaasi oo ay isku soo dubo riday Wasaarada Qoyska iyo Horumarinta bulshada Somaliland.
Hargaysa/Somaliland
Cabdiqani Cabdilaahi Axmed Asporo









