Badhasaabka Gobol Awdal Oo Mucaawimo gaadhsiiyey Deegaanada Baki iyo Magaalo Cad

Source: Reported By Abdiqani Abdilahi Ahmed (Asporo)
2010-03-08

 Hargaysa (Waryatv.com)-Badhasaanka gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige oo ay weheliyo agaasimaha guud ee wasaarada dib u dajinta iyo salaakiil ka socota hayada WFP ayaa maanta gaadhay deegaanadii roobabku waxyeeleen oo degmada magaalo Cad.

Wafdigan ayaa waxa uu halkaasi gaadhsiiyay caawimo ka kooban alaabo kala duwan waxaanay qiimayn dhab ah ku samaynayeen khasaaraha dhabta ah ee ay roobabku u gaysteen deegaankaasi.

Duqa degmada Magaalo cad Ibraahin Aw Muxumed Cilmi oo shabakada Wararka ee Lughayanews kula soo xidhiidhay khadka telephoneka ayaa u xaqiijiyay inay macaawinadaasi oo gaadhay waxana uu yidhi “ waxa na soo gaadhay mucaawimo hordhac ah oo ka kooban Arabikhi, Saliid, Bustayaal iyo bacaha roobka oo loogu talo galay in loo qaybiyo 400 qoys, mucaawimanadan ayaa waxa ay nooga timid hayada WFP waxana aan qaybinteeda bilaabaynaa maalinta bari ah”.

Waxa kale oo uu sheegay duqu in khasaarihii ka dhashay roobabkani ay wali sii muuqdaan waxana uu yidhi “ wadooyinkii wali way go’an yihiin baabuurtii mucaawinadan wadayna waxa ay galeen dhiidhida waxa aanay wakhti dheer nagu qaaday sidaan uga soo saari lahayn anagoo isticmaalayna Cagaf Cagafyo.

Dhinaca Gudoomiyaha Degmada Baki Bare Jaamac Yuusuf oo isaguna khadka Telephoneka kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee Lughayanews ayaa u xaqiijiyay inay caawimo hor dhac ahi soo gaadhay waxana uu yidhi “waxa na soo gaadhay caawimo iskugu jirta Galay iyo Saliid loogu talo galay in loo qaybiyo 400 oo qoys waxana ay ka timid caawimadaasi hayadaha WFP iyo NERA waxaana noo qorshaysan inaan bari qaybino”.

 

 

.Hargaysa/Somaliland

Cabdiqani Cabdilaahi Axmed

Asporo@waryatv.com

 

 

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com