R/wasaaraha Soomaaliya Oo Nairobi Soo Gaaray.

2010-03-08

 R/wasaaraha Dowladda DFKMG Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Xildhibaano ku jiraan ayaa soo gaaray Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya isagoona Galabta ka soo kicitimay Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Safarka R/wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli Saaka Magaaladda London ee Cariga Dalka Ingriiska uu gaaray Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

R/waasare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa u yimid Nairobi si uu uga qayb galo kulanka Urur Goboleedka IGAD oo la filaya innuu dhawaan ka furmo Magaaladda Nairobi.

Kulanka ayaa intiisa baddan lagu jeex jeexi doonaa arrimaha dhabta ah ee ka tagaan Dalka Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa Dalka Dagaaladu diloodeen ee Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo R/wasaaraha ayaa la filayaa innuu kulanka ka jeediyo Kdud bad dheer oo uu Caalamka ugu Muujinayo taageeradda ay u baahantahay Dowladda DFKMG ahi.

WaryaTv Nairobi Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com