China oo Bahdishay Yuhuudda Ka dib Markay Diiday Inay Aragto Wajiga Netanyahu
WARYA TV- Raiisul wasaaraha dad-qalka ah, Binyamin Netanyahu, ayaa farxaddii uu ku farxay heshiiskii uu Ruushka ka soo dhammaystay ee ahaa in cuno qabatayn adag lagu soo rogo Iran ay cadho isu beddeshay ka dib markii China ay si cad u sheegtay in aanay cuno qabatayn ku soo rogayn Iran. Sidaa awgeed, Netanyahu wuxuu goostay inay lagama maarmaan tahay inuu booqasho ku tago dalka China sida uu booqasho ugu tegay dalka Russia si uu dawladda China uga soo dabaalo inay ka qayn gasho cunaqabatayn lagu soo rogo Iran.
Laakiinse taliska shiinaha ayaa diiday inay arkaan wajiga Netanyahu. Taasina waxay ku qasabtay Netanyahu oo lagu naanayso “Biibi” inay waddankiisa aamino oo iska joogo. Bishii February 25dii, 2010 dawladda Israel waxay u dirtay waddanka China wefdi aad u heer sarreeya oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka, Moshe Yaalon, si loogu qalqaaliyo China in cunaqabatayn adag lagu soo rogo Iran.
Wefdi dawladda Israel ka socday ayaa la bahdilay ka dib markii cid qudha oo ay arkaan oo ay la hadlaan ay waayeen. Waxa lagaga tagay meel cidla siday u taagnaayeen.
Wefdiga
Yuhuudda ayaa waxay rajaynayeen inay la kulmaan la taliyaha Wasaaradda Arrimaha
Dibadda, Dai Bingguo hase ahaate wax la taliya ka hoseeya oo ay xataa la
hadlaan way waayeen.
Dawladda Israel ayaa iyadoo adeegsanaysa awr-kiraaleheeda Maraykanka oo ay hoggaaminayso Hilary Clinton ay dawladda Shiinuhu ku gacan saydhay inay cunaqabatayn ku soo rogaan Iran. Sidaa awgeed waxa go’aan gaadhay dawladda Israel oo iyadu isku casuuntay inay Beijing yimaadaan. Waxa loo sheegay “Waa si fiican, waad iman kartaan… laakiin waqti idiinma hayno ee ogaada”.
Ruushka ayaa markuu maqlay mawqifka ay China
qaadatay ayaa isna wuxuu caddeeyey inuu tallaabo la mid ah qaadi doono, taasoo
feedh beerka lagaga dhuftay ku noqotay Israel.
Wasiirka arrimaha debedda ee Russia
ayaa, Seerjey Laafrof, ayaa yidhi, “Ma jirto wax caddeynaya in Iran doonayso
inay samayso nukliyar bam”. Wuxuuna intaa raaciyey inay Iran xaq u
leedahay inay sii ballaadhiso barnaamijkeeda nukliyarka”.
Dawladda Israel ee ay madaxda ka yihiin kuwa isir nacaybka iyo la dagaalanka diinta Islaamka ku talax tegay ayaa beryan calankooda sii dhacayaa iyadoo tallaabada ay qaadanba ay ku fahsilmayaa.
Waxa
la isku dhacay dawladda dunida Islaamka ugu xoogga weyn ee Turkiga oo haatan la
xidhay Iran oo ay yuhuudda damcsanayd inay kala fogeeyaan labada waddan oo ay
hore ugu guulaysteen intaanu xisbiga Islaamiga ah talada Turkiga hannan. Waxa
iskaashi milatrai wada samaystay Suuriya iyo Iran oo ay dawladda Maraykanku
isku deyday inay kala furfuran si Suuriya heshiis gaar ah loola galo. Waxa ku
fashilmeen dilkii Maxmuud Al-Mabxuux ee ka dhacay Dubai bishii January 19dii
halkaasoo dadkii ka qayb qaatay dilkaas siday u dhammaayeen baasabooradoodii
iyo wejiyadoodii la wada helay, lana ogaaday inay ciidamada sirdoonka Israel ee
MOSSAD ay ka danbeeyeen.
Markay
ogaadeen in sawiradoodii iyo raadkoodiiba la wada helay, waxay ku tala galeen
in dawladdan yare e Imaaraadka oo ay ku habsatay burburka dhaqaale ee dunida ku
dhacay aanay hadli doonin waayo waxay u baahan yihiin taageerada reer galbeedka
oo ay yuhuudda gacanta ku hayso.
WARYA TV
German-language “News Journal” website.
Maqaalkan waxa afka jarmalka ku soo tarjumay WARYA TV









