Soomaali Maraykan-ka Ka Yimid Oo Nairobi Dabaq Dheer Iska Soo Tuuray.
Nin Soomaaliya oo 45-sano jir ah kana yimaaday Dalka Maraykanka gaar ahaana Gobalka Minnesota ayaa Nairobi iska soo tuuray Dabaq 7-Biyaano ah Markii uu muran xoog lehi soo kala dhex galay Hooyaddii dhashay,Inan Walashiisa iyo Xaaskiisa.
Ninkaan ayaa la sheegay innuu u yimid Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya si uu ula aqal galo Gabadha u dhaxday oo la tilmaamay inay iska barteen Waji Buugga ( Facebook),oo baryahaan Danbe isku xirayay iskuna keenayay Dadka Dunida Dacaladeeda ku kala Nool kuwii horay u kala lumay iyo kuwa isku cusuba.
Is dilka Ninkaan ee uu u adeegsaday iska soo tuuridda Dabaqa aadka u dheer ayaa timid markii Muran Xoogan oo Gacan ka hadal ku dhawaaday uu dhex maray Marxuumka Walaashi iyo Xaaska iyadoona Hooyadda oo soo kala dhex gashayna la tilmaamay inay ugu baaqday Wiilkeeda innuu Hotel dego si uu u kala badbaadiyo Gabdhahaan xilli walba Murmaya.
Warar kale oo ay isla dhex marayaan Soomaalida ku nool Nairobi ayaa sheegaya in Hooyaddu ay Wiilkeeda ugu baaqday Innuu kala Doorto Duco ama Habaar oo ka turjumayso Fur ama iyada Raac oo annaga na dhaaf balse arrintaas Hooyadda ayaa Beenisay xilli ay Xaafadda Islii ugu Waramaysay WaryaTv iyadoo aad u murugsan.
Marxuumka Geeryooday ayaa ku jira Bisha Malab-ka iyadoona Boqlaal Soomaaliya oo yaqiinay ay aad uga wada xumaadeen markii Maqleen Saaxiibkood oo dabaq dheer iska soo tuuray.
Xaaska Marxuumka oo ku sugneyd Qolka hurdada sugaysanay Xaajigeeda ayaa xilli dambe oo Caweyskiiya ka war heshay War Naxdin Xambaarsan oo sheegay in uu geeryooday Seygeedii.
Waxaa ay ku noqotay Murugo, dhan ay qabato ayay garan weysay Warka dhagaheeda ku soo dhacayana inay been ka dhigto ayay isku dayda balse waa dhacdo oo mar Subixii hore ah ayay ayadoo Habaynkii oo dhan Sariirtu qaban weysay ku waabarisiisatay Seygeeda oo maqan iyo Dadkoo wali sheekaddii isla dhex maraya.
Meyd-ka Marxuumka ayaa haatan Baaritaan waxaa ku haya Ciidamadda Booliiska Dalka Kenya.
Isku soo wada duuboo falkaan ayaa noqonayii kii ugu Naxdinta badnaa oo Sanadooyinkii dambe ka dhaca Magaaladda Nairobi iyo guud ahaan Dalkani Kenya.
WaryaTv Nairobi-Kenya
nadaara@waryatv.com









