Baligubadle:- Daadad Socday Mudo Seddex Cisho Ah
Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-03-09
Baligubadle (Waryatv.com), Deegaano ka tirsan
gobolka Hawd ayaa lagu soo waramayaa inay ku soo fataheen daadad ka soo
burqaday dhankaas iyo dalka Itoobiya, daadadkaas ayaa la sheegay inay marayaan
meel doox ah, waxaanay socdeen tan iyo labadii maalmood ee ugu dambeeyey.Darawalada baabuurta u baxda deegaanadaas ayaa noo
sheegay in daadkani uu ka soo rogmaday dhanka itoobiya, mid ka mida
darawaladaas ayaa ka waramaya.
“Daadadku wuxuu marayaa magaalo madaxda gobolka
Hawad ee Baligubadle dhankeeda bari iyo galbeed, waxaanu si weyn u marayaa hada
meesha loo yaqaano Uus Buur
iyo Warta Maxaad Fanax, Baligubadle wuxuu ka marayaa dhanka xuduuda
wixii ka sareeya”
Ilaa hada ma jiraan khasaaro uu gaystay daadkaasi,
balse waxa uu saamayn weyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iskaga kala goosha
Baligubadle iyo laanqayrta, kadib markii ay daadad iyo dhoobo xidheen jidka ay maraan baabuurtu.
Xafiiska Warara Ee Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by:- Ibraahim Abdirahman Qaasim
ibrahimqasim@waryatv.com









