Dooni Ku Gooshaysay Calanka Kenya Oo Burcad Badeed Soomaaliya U Gacan Gashay.

2010-03-09

 Koox Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa Gacanta ku dhigay Dooni Noocaa kaluumaysiga ah oo ku gooshaysay Calanka Dalka Kenya taasoo la aaminsanyahay in laga leeyahay Dalka Spain.

Doonidaan oo lagu Magacaabo FV Sakoba ayaa waxaa saarnaa Shaqaale u kala dhashay 10 Kenya,1 Spain,1 Pole ,1Cope Verdeab,mid Namibian iyo labo u dhalatay Senegal.

Waxaa laga Afduubtay Meel 400 oo Meyl u jidha Magaladda Dar Es Salaam ee Dalka Tanzania.

Isku soo wada duuboo Kooxaha Burcada ah ayaa laga cabsi qabaa inay Doonidaan u adeegsadaan Qabsashadda Maraakiibta Kale ee maraya Badweynta India iyo Gacanka Cadmeed.

WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com