Xisbul Islaam oo Ka Hadlay Dilkii Loo Gaystay Maanta Barre Cali Barre
2010-03-09
Xoghayaha guud ee u qaabilsan qaybta Wafaafinta Ururka
Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa ka hadlay dil loo
geystay Barre Cali Barre oo ka mid ahaa saraakiisha Ururka Xisbul
Islaam, kaasoo ay kooxo hubeysan baqonimadii maanta ku toogteen suuqa
Bakaaraha."Allaha U Naxariistee Barre Cali Barre waxaa toogtay koox burcad ah isagoo ku sugan suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo kuwii ka dambeeyay dilkiisa" ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin Cali.
Marxuumka ayaa la sheegay inay toogteen afar dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado xilli aysan la socon ilaalo, waxaaa uu u geeriyooday dhowr xabadood oo kaga dhacay qaybta sare ee jirkiisa.
"Xisbigu wuxuu kasoo saari doonaa war murtiyeed dilka Marxuum Barre Cali Barre oo maydkiisa ay kasoo qaadeen halkii lagu dilay saraakiil iyo ciidamo ururka ka tirsan" ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Ururka Xisbul Islam oo isaguna saxaafadda si kooban ula hadlay dilka kaddib.
Sarkaalkan ayaa wuxuu ka mid ahaa saraakiishii Mucaskarkii Raaskambooni ee soo galay Muqdisho xilligii ay ciidamada Itoobiya dalka ku sugnaayeen, wuxuuna bishii hore ka badbaaday weerar bam oo lagula beegsaday meel ku dhow gurigiisa.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa xubnaha ay sida weyn isugu dhow yihiin Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii sida weyn uga soo horjeestay ku biiritaankii Sheekh Xasan Turki uu ku biiray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin bishii hore.
WARYA TV









