Roob Kaluun Wata oo ka Da'ay Magaalo Australia ku Taal(Mucjiso)
2010-03-09
Magaalo ku daalka Dalka Australia oo Wabiga u jirta 326-km ayaa la
kulantay Roob aan caadi ahayd kadib markii muddo labo maalmood ah uu
da'ay roob Kaluun wata.

Magaalada
Lajamanu oo ku taal Waqooyiga Australia kuna nool yihin 669 qof ayaa la
kulantay roobkan watay Boqolaal Kaluun ah oo kasoo daadanaya Daruuraha
iyadoo xiligaa roob da'ayey.
Dadka ku takhasusay Cimilada ayaa
sheegaya in laga yaabo inay arrintan keentay Duufaacn badda soo martay
oo soo qaaday kaluunka taas oo markii dambe ku dul daadisay Daruuraha,
balse arrintan waxay noqotay mid aad looga yaabo.
Joe Ashley oo
55 jir ah kana mid ah dadka ku nool magaaladan ayaa sheegay inay layaab
ku noqotay Kaluunka hawada kasoo daadanayaa wuxuna yidhi " caadiyan
kaluunka biyaha loogu taga laakin kaluunka hawada kasoo dhacaya waxay
noqotay arrin aanu la fajacno"
" waxaanu ka baqaynayaa in Yaxaasna hawada kasoo dhaco" ayuu ku daray
Arrinta
ayaa loo maleenaya in sababteeda ugu weyn leedahay Duufaantu oo Wabiga
magaalada ku dhaw kasoo qaaday Kaluunkan kadibna uu hawada kasoo daatay
laakin ilaa hadaaya lama hubo sababta ugu weyn.
WARYA TV
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)