Iran oo Si Guul Leh u Tijaabisay Gantaal Cusub

2010-03-09

WARYA TV- Ciidamada badda ee Iran ayaa si guu lleh u riday gantaal cusub oo laga riday markab dagaal oo ay Iran samaysay oo ku sugan biyaha gacanka khaliijka sida uu soo wairiyey telefishanka dawladda ee Press TV.

 

Sida laga soo daayay Press TV, gantaalkan oo la yidhaahdo Nuur oo si guul leh loo tijaabiyey ayaa ku dhacay bartilmaameedkii loogu talagalay oo 100 kilomitir u jirtay goobta gantaalka laga riday.

 

Isla mar ahaantaa, saraakiisha milatariga ayaa ku dhawaaqay inay wadaan qorshe lagu damacsanyahay in isbeddel lagu sameeyo gantaalkan oo riddadiisa la gaadhsiiyo illaa 300 Kilomitir.

 Iran ayaa waxay waddaa olole ay ku hub urusanayso si ay ugu babac dhigi karto weerar kaga yimaadda dalka yuhuudda.

WARYA TV
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com