Siilaany oo Berrito u Ambabaxaya Burco
2010-03-09
WARYA TV- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa inuu booqasho gaaban oo labo maalmood ah ku tego xarunta Burco ee gobolka Togdheer maalinta berrito ah.
Guddoomiyaha oo ujeedada socdaalkiisa aan weli shaaca laga qaadin ayaa ilo-wareedyo ku dhawdhaw ay sheegayaan in ay hawlo xisbiga ah la xidhiidho.
Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu ku soo laabto Hargeysa maalinta Sabtida.
WARYA TV









