Dagaalo Iyo Duqeymo Saaka Ka Dhacay M/Muqdisho.

2010-03-10

Dagaalo iyo Duqeymo ayaa Saaka ka dhacay Degaano ku yaala Waqooyiga Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kuwaasoo u dhexeeya Ciidamadda Dowladda KMG iyo Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda sida Waryatv u xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi.

Dagaalka ayaa Bilowday markii Xoogaga Hubaysan ay saaka Weerar ku qaadeen Fariisimadda Ciidamadda Dowladda KMG ah Difaaca uga jiraan Degaanadaas.

Dagaaladaan iyo Duqeymadaan ayaa Xoogoodu ka dhacay Nawaaxigga Hotel Global iyo aaga Liido oo ah goobta ay isku hor fadhiyaan Ciidamadda Dowladda KMG iyo Xoogaga Hubaysan ee ka soo horjeeda.

Inta la ogyahay 2-Ruux oo Rayid ah ayaa ku geeryootay tiro kale oo intaas ka badana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray Duqeymadda iyo Dagaaladda Saaka.

Macadda Khasaaraha Dhabta ah ee soo kala gaaray labadda dhinac ee ku Dagaalamay Saaka Waqooyiga Magaaladda Muqdisho inkastoo Wali Xaafadaha qaar laga Maqlayo Daryaanka Madaafiicda.

Isku soo wada duuboo Dagaaladda ayaa imaanaya xilli Maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay Dagaalo ka dhici kara xilli walba Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com