Iran oo Dhisaysa Goob Laga Rido Gantaalada Qaaradaha Isaga Tallaaba

2010-03-10

WARYA TV- Dawladda Iran ayaa la sheegay inay dhisayso meel cusub oo loogu talagalay ina laga rido gantaalada qaaradaha isaga tallaaba (Interncontinental Ballistic Missiles) ee madaxa hore laga rakibo qunbuladda nukliyaraka.

 

Wargeyska ku takhasusay basaasadda xagga milatariga ee loo yaqaan Jane’s ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Waqooyiga Kuuriya ay ka taakulaynayso Iran inay samaysato goob ay mustaqbalka u isticmaasho in laga rido gantaaladaas qaaradaha isaga tallaaba taasoo uu sawiray dayax gacmeed kuwa ganacsiga ah laguna arkay gobolka Semnan ee bariga Tehran [eeg sawirka].

 

Waxa kale oo shaaca laga qaaday in dawladda Iran ay dhisayso goob kale oo taas la mid ah oo 2.5 kilomitir iyo badh koonfur galbeed ka xigta gobolka Semnan. Waxa kale oo wararku intaas ku dareen masuuliyiinta Iran ay aad u adkeeyeen amniga hareeraha goobtaas, oo weli dhisme lagu hayo.

 

WARYA TV

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com