Ismaaciil Buubaa Oo Somaliland Kula Taliyey Inay La Socdaan Socdaalka Uu Madaxweyne Shariif Ku Joogo Cariga Ingiriiska

Source: Reported By Abdiqani Abdilahi Ahmed (Asporo)
2010-03-10

Hargaysa (Waryatv.com)-Siyaasiga weyn ee Ismaaciil Maxamuud Hure   (Buubaa), oo dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland, hase ahaatee aaminsan mabda’a federaalka, isla markaana dawladii Cabdilaahi Yuusuf Axmed ahaa Wasiirka Arimaha Dibada  ayaa Somaliland ugu baaqay inay la socdaan fariinta dublamaasiyadeed ee uu xambaarsan yahay socdaalka uu Madaxweyne Shariif ku joogo cariga Ingiriiska.


Mr Buubaa oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in socdaalkaasi uu Sheekh Shariiif ku joogo cariga Ingiriiska uu fariin u xambaarsan yahay dawlada Somaliland, waxaanu habeenkii xalay u waramay Wargayska Geeska Africa ee ka soo baxa magaalada Hargaysa.

“Anigu waxaan odhan lahaa socdaalkaasi macno weyn ayuu ku fadhiyaa dawlada ku yeedhay ee martiqaadka bixisayna waa dawladii Lixdii aqoonsatay Somaliland.”  Sidaa ayuu yidhi Buubaa

Mar la weydiiyey fariinta dublamaasiyadeed ee socdaalkaasi Somaliland u xambaarsan yahay waxa uu yidhi “ Waa fariin dublamasiyadeed oo miisaan  leh oo  Somaliland ku socota, waayo waxa jirta hadal ahayn tidhaahda dawlada Ingiriisku waxay taageersan tahay Madax banaanida Somaliland, markaa waa fariin culus waana waajib inay Somaliland la socoto. “

Ismaaciil Maxamuud Hure (Buubaa), waxa kale oo uu sheegay in dhibaatada ka taagan Somalia ay damin karto oo kaliya Dawlada Somaliland, isagoo arintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “ Dhibaatada maanta Xamar ka taagan waxa xallin karta Somaliland oo soo dhex gasha, dadkaasi isma xaasidayaan laakiin tamartii ayaa ka dhamaatay, waxaana loo baahan yahay in Somaliland ay door mihiim ah ka qaadato oo ay bakhtiiso dabkaas.

Mar uu ka hadlaayey arimaha doorashada waxa uu sheegay inay fure u tahay aqoonsiga Somaliland, hase yeeshee waxa uu ku taliyey inay doorasho u dhacdo hab cadaalad ah.

Ismaaciil Buubaa waxa uu sheegay inuu Hargaysa iman doono, hase ahaatee muu cayimin goorta uu imanaayo.

Madaxweynaha dawlada ku meel gaadhka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu kulamo la yeeshay Ra’iisal wasaaraha dawlada Ingiriiska Gordon Brown iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa.

Waa markii u horaysay muddo laga joogo labaatan sano ay isu yimaadaan dawlada Ingiriisku iyo Somalia, waxaana dad badani isha ku hayaan waxa ka soo bixi doona socdaalka Shariif.



Hargaysa/Somaliland

Cabdiqani Cabdilaahi Axmed

Asporo@waryatv.com

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com