Iska Hor Imaad Dhex Maray Ciidamada Ilaalada Xabsiyadda iyo Kuwa Milariga Ee Laascaanood

Source: Reported Saleebaan Sahal Jamac
2010-03-10

Laascaanood (waryatv)-Wararka naga soo gaadhaya magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa sheegayaa inay isku dhaceen  qaarka mid ah Ciidanka illaadda xabsiyadda (IJL) magaaladda lascanod  iyo kuwa melatariga ee ku sugan magaaladda lascanod ee xarunta gobolka Sool.

 Arrintan  ayaa ka damabaysay ka dib markii  shaki soo kala dhexgalay labadda  ciidan ee Ilaalada Xabsiyada (IJL) iyo Milatariga eek u suga magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa sheegayaa inay israsaasayntu ka dhacay saldhig ay ku xidhan yihiin maxaabiis loo haysto falal dhawaan ka dhacay magaaladda Laascaanood

Qaarka mid ah ciidanka Israsaasayntu  dhex martay oo ay noo suuro gashay inaan wax ka waydiino ayaa sheegay inay jiro arintani,  laakiinse waxa uu ka cudur daartay in magaciisa la xuso, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa “xurguf shaki ka dhalatay ayaa kala dhex gashay labadda Ciidan oo labadu jeelka illaalinayeen  wax khaasaro ahna ma jiro” .

Dhinaca kalenna Guddoomiyaha gobolka oo aanu la xidhiidhnay ayaanay noo suuro galin inaan wax ka waydiino arrintan  

Israsaasayntan ayaan sababin wax khasaare ah,  waxaanna hadda degan jawiga  guud ee magaaladda Laascaanood.

Isku dhaca labadda Ciidan ayaa ah mid soo noqnoqday waxaanna hore isugu dhacay qaarka mid ah Ciidanka  illaaladda wasiiro ka tirsan Somaliland iyo ciidanka malatariga.


Burco/Somaliland

Saleebaan Sahal Jaamac

salosahal@hotmail.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com