“Ma Dhacayso In Axmed Siilaanyo Hargaysa Tamashleeyo, Xoghayaha UDUB-na Uu Geed Uu Hadhsado Ka Waayo” Cali Guray

Cali Guray waxa uu tilmaamay in
aanay dhici doonin in guddoomiyaha xisbiga Kulmiye uu tamashle ku dhex
maro magaalada Hargeysa, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB-na uu meel ka waayo.
Waxaanu hadalkaas ka sheegay
Munaasibad soo dhawayn ahayd oo loo sameeyey Xoghayihii maaliyada ee Xisbiga
UCID Kayse Cali Geedi, taas oo ka dhacday hotel Crown ee magaalada Hargaysa.
Afhayeenka oo halkaa ka soo jeediyay
hadalo isugu jiray digniin iyo soo dhaweyn ayaa yidhi “Berigii dhaweyd ee uu
guddoomiyaha xisbiga Kulmiye dalka dib ugu soo laabanayay waxa aad ka war
haysaan in dacaayado raqiis ah lagu faafiyay warbaahinta isla markaana la lahaa
dalka ka ma soo geli karo, laakiin waxa aad taa bedelkeeda aad arkeyseen sidii
quruxda badnayd ee loo soo dhaweeyay iyo sida aanu xisbiga UDUB marnaba wax
carqalad ah la damacsanayn” ayuu yidhi Cali Guray.
Waxa kale oo uu afhayeenka xisbiga
Talada haya ee UDUB uu tilmaamay in ay marwalba ilaaliyaan xidhiidhka ka
dhaxeeya xisbiyada dalka ka jira waxaanu yidhi “Anagu waxa aanu mar walba
ilaalinaa xidhiidhka ka dhaxeeya xisbiyada, waxaana wanaagsan in uu istixraamku
uu inoo noqdo mid inoo caado ah, laakiin waxa ixtiraamka la yidhaahdaa waxa uu
u baahan yahay laba dhinac.
Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ayaa
waxa uu soo maray gobolada bari, caynabo ayuu soo maray, burco ayuu
barigeeda iyo galbeedkeedaba soo maray, Hargeysa marka uu marayo waxa aanu
ognahay in shan jidgooyo loo dhigay, cida dhigtay iyo kuwa istaagay intaba
waanu garanaynaa.
20-kii February munaasibad lagu
xusayay maalintii dhagax tuurka ayaa laga isugu yimid fagaaraha beerta
xoriyadda, munaasibadaa dad badan oo soo halgamay ayaa ka hadlay, xoghayaha
guud ee xisbiga UDUB markii uu hadalka bilaabay ayaa ciyaal la soo
abaabulay oo basas lagu keenay, oo aanu garanayno hebel iyo hebelka iyo
heblaayada soo abaabushay, kuwaas oo lagu yidhi marka uu codbaahiyaha qabsado
qayliya.
Waxa la yidhi mayd maxaa ugu
danbeeyay iyo kaa hada la sii sido, maalin dhaweyd waxa la igu yidhi aniga la
igama casuumin, xafladii ay qabsanaysay shirkada Somtel, Axmed siilaanyo ayaa
ka hadlay, hebel baa ka hadlay, xoghayaha guud ee xisbiga UDUB marka ay marayso
ayaa lagu qayliyay oo awal caruurbay ahayd raggii waaweynaa ay ku qaylyeen” ayuu
yidhi Afhayeenka xisbiga UDUB.
Mujaahid Cali guray waxa uu
tilmaamay in ay xisbigooda udub ay ka dhamaatay dul qaadkii, isla markaana waxa
u digniin tii ugu cuslayd u diray dhamaanba masuuliyiinta xisbiga KULMIYE
“Waxa aan maanta kulmiye u sheegi
lahaa, way dhamaatay, dul qaadkii wuu naga soo dhamaaday, uma dul qaadanayno in
maalin kasta inta ay dad soo abaabulaan aanu anagu ixtiraamno iyaguna ay xoghayaha
guud ku qayliyaan, mana dhacayso in uu axmed siilaanyona Hargeysa tamashleeyo,
xoghayaha guud ee udubna uu geed uu istaago hargeysa ka waayo.
Waxa aanu leenahay waanu kari
karaynay anagu in aanu maalintii uu siilaanyo imanayay in aanu ciyaalka iyo dumarka
soo abaabulno oo aanu ku qaylino.
Ugu danbayntiina waxa uu si gaar ah xisbiga ugu soo dhaweeyay Keyse Cali Geedi oo ka soo baxay xisbiga mucaaradka ah ee UCID “Waxa aan xisbiga si kal iyo laab ah ugu soo dhaweynayaa Keyse cali geedi, waxaanan leeyahay keysoow haddii ay xafiisyada mucaaradka shaqo badan, wada tashi badan iyo hawlo ka socdeen halkana aad ka filayso in ay sidaas ka sii saxmad badnaato, lagama yaabo ee waa meel degan”
Hargaysa/Somaliland
Cabdiqani Cabdilaahi Axmed









