Munaasibad Soo Dhawayn ah Oo Xisbiga UDUB U Sameeyey Xoghayihii Maaliyada ee Xisbiga UCID Oo Dhawaan Ka Baxay
Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa
maanta soo dhaweyn, tii ugu saraysay ku qaabilay xoghayihii hore ee maaliyada
xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Mr. Keyse Cali Geedi oo dhawaan shaaca ka qaaday
in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xisbigaas.
Xaflada soo dhaweynta oo ay ka qayb-galeen
Xoghayaha guud ee xisbigaas, Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta, Guddoomiyaha
siyaasada, Guddoomiyaha ololaha, Wasiiro iyo Dadweyne aad u tiro badan oo ka
dhacday Huteel Crown ee magaalada hargeysa ayaa dhamaan dadkii halkaa ka hadlay
ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xisbiga.
Ugu horayn guddoomiyaha abaabulka
iyo wacyigelinta xisbiga UDUB Mr, Maxamuud Cabdi Faarax oo isagu halkaa hadalo
koob-kooban ka soo jeediyay ayaa si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyay xisbiga
Mr, Keyse Cali Geedi waxaanu tilmaamay in uu yahay xubin waxyaabo badan ku soo
kordhin kara xisbigooda waxaanu yidhi “Waxa aan si diiran u soo dhaweynayaa
Keyse Cali Geedi oo aan anigu aqoon weyn u leeyahay, raggii aanu iska soo
horjeednay ninkii ugu cadcadaa ayuu ka mid yahay Keyse waxaanan leeyahay Waanu
ku sugaynayaye soo dhawoow” ayuu yidhi guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta
xisbiga UDUB Mr. Maxamuud Cabdi Malaw
Mr. Keyse Cali Geedi oo ah ninka
xaflada loo sameeyay ayaa dadkii soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay si weyn ugu
mahadceliyay, waxaanu u soo jeediyay in la ilaaliyo midnimada waxaanu yidhi
“Waxa aan marka hore uga mahadcelinayaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay soo
dhaweyntayda waxaanan leeyahay waad I sharafteene alle ha idin sharfo, waxaanan
maanta laga bilaabo aan doonayaa in aan idiin sheego in aan ka mid ahay
xisbiga UDUB,
Matkii aan ka baxay xisbiga UCID,
ayaan telefoonkii xidhay, muddo markii uu xidhnaa ee ay dadkii waayeen ayaa
waxa ay meel walba iiga soo direen fariimo, waxaana badankooda lagu yidhi ninku
waxa uu doonayaa in uu dalka dibada uga baxo, runtii taasi waxa ay iska ahayd
uun mid si khaldan loo faafiyay, laakiin anigu waxa aan ahay nin mar walba
jecel Somaliland, in ay horumartana maanka ku haya.
Dhamaan taageerayaashayda oo ciida
ka badan ayaa la tashaday waxaanan boqol qof weydiiyay bal xisbiga ay I odhan
lahaayeen ku biir, 84 qof ayaa walaahi igu yidhi waxa aad ku biirtaa xisbiga
UDUB, 16 dadkaas ka mid ahina waxa ay igu yidhaahdeen KULMIYE, sidaas ayaanan
iminka kaga mid noqday xisbigan” ayuu yidhi.
Wasiir ku xigeenkii hore ee
Ganacsiga C/raxmaan Yuusuf (Cabdi Wadaad) oo isna halkaa ka hadlay ayaa si
diiran xisbiga ugu soo dhaweeyay Keyse Cali Geedi waxaana hadaladiisii ka mid
ahaa “Waxaan walaalkay Keyse ku soo dhaweynayaa xisbiga talada haya ee UDUB,
waxaanan qabaa in uu Keyse waxyaabo badan ku soo kordhin karo xisbiga” ayuu
yidhi
Wasiirka Wasaarada Warshadaha
Somaliland Axmed Cali Ubaxle oo isna ka mid ahaa masuuliyiinta maanta nasiibka
u heshay in uu xaflada soo dhaweynta ka hadlo ayaa sheegay in Keyse uu ka mid
yahay hawlkar waxaanu yidhi “Isma qabanayaan reer hebel baan ahay iyo xisbi hebel
baan ku biirayaa, waxa aan doonayaa in aan xisbiga ku soo dhaweeyo Keyse.
Berigii aan wasiirnimada ku cusbaa
ayaa maalin maalmaha ka mid ah aniga iyo dirawalkayga oo marayna badhtama
magaalada Hargeysa ay niman gaadhiga nagu gilgileen inta aan muraayada dejiyay
ayaan ku idhi iminka waxa aad tihiin mucaarad, gaadhigana waxa leh dawlada,
laakiin haddii aad xilka ku guulaystaan waa gawaadhidii aad maamuli lahaydeen
ee ha inaga jajabinina” ayuu yidhi wasiirka warshaduhu.
Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB oo
isna gabagabadii xaflada halkaa hadalo koob-kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay
in xisbigoodu ay si diiran u soo dhaweynayaan Keyse Cali geedi iyo
taageerayaashiisaba.
Xoghayaha guud waxa uu soo jeediyay
xisbiyada mucaaradka ah in ay xag-xagashada joojiyaan oo ay ku dedaalaan sidii
ay si nabad ah ugula tartami lahaayeen.
Waxa kale oo iyaguna halkaa hadalo
koob-kooban ka soo jeediyay Wasiirada Macdanta iyo biyaha iyo wasiirku
cadaalada oo sheegay in ay soo dhaweynayaan Keyse Cali Geedi.
Xubno ka mid ah taageerayaasha Keyse Cali Geedi oo iyaguna halkaa hadalo koob-kooban ka soo jediyay ayaa tilmaamay in siyaasigooda u soo raaceen dhinaca xisbiga udub oo uu ku soo biiray, waxaana tilmaameen in haddii uu ka waayo waxyaabo badan oo uu uga soo digo rogtay dhinaca xisbiga UCID in ay dib ula laaban doonaan.
Hargaysa/Somaliland
Cabdiqani Cabdilaahi Axmed









