Nin Australian ah oo 18 Seefood Liqay
2010-03-10
WARYA TV- Nin u dhashay waddanka Australia oo ah kuwa waddooyinka xirfaddooda ka muujiya ayaa wuxuu galay diiwaanka rikoodhka dunida (World Guiness Record) ee la geliyo waxyaalaha la yaabka leh ka dib markii uu mar qudha wada liqay sideed iyo toban seefood.
Chayne Hultgren ayaa wuxuu dhigay rikoodh cusub oo ah liqidda seefaha oo ka dhacay magaalada Sydney ee waddanka Australia.
Ninkan
oo da’diisu tahay 31 jir wuxuu liqay 18 seefood oo mid waliba
dherekeedu yahay 2 foot. Hadda ka hor isaga ayaa haystay rikoodhka
dunida ee seef liqidda oo wuxuu ku haystay isagoo liqay 17 seefood.
Seef-liqahan
ayaa la sheegay inuu bilaabay balwaddan khatarta ah isagoo 16 jir ah
isagoo isticmaalayay farsamooyin kala duwan oo ugu diyaar garanayo
jidhkiisa inuu liqo seef, isagoo isticmaali jiray tubooyinka biyaha.
WARYA TV









