Al-shabaab iyo Ciidamada Dowlada KMG Somaliya oo saakay ku Dagaalamay Magaalada Moqdisho oo guulo ka wada Sheegtay Dagaalka

2010-03-10

Xarakada Al-shabaab iyo dowladda KMG ah ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo iyo duqeymo xooggan oo maanta kadhacay qeybo kamid ah degmooyinka ku yaala waqooyiga magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale dagaalo iyo duqeymo culus oo aan la isu aabayeelin oo waabarigii hore ee saakay ka qarxay Xaafado ka mid ah degmooyinka C/Casiis iyo Kaaraan una dhaxeeyay Ciidamo kala taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaabiyo kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa guulo kala duwan ka sheegtay dagaalkaasi dhinacyadii dagaalamay.
 
Sidoo kale Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Cali Max,ud Raage {Cali Dheere} oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururkoodu uu guulo wax ku ool ah ka gaaray dagaaladii maanta kadhacayey deegaano ku yaala waqooyiga magaalada Muqdisho,dhinaca kale inkastoo aanu Afhayeenku ka hadlin khasaaraha dhankooda soo gaaray ayaa waxaa ka dhashay dagaalka dhimashada ugu yaraan 5-qof oo rayid iyo dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay isugu jira, iyadoo ay ku dhaawacmeen 12-qof oo kale.
 
Dhinaca kalena dowladda KMG ah ayaa iyadana guulo ka sheegatay dagaalka, iyadoona afhayeenka wasaaradda warfaafinta dowladda KMG ah C/risaaq Qeylow uu shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu beeniyay in lagala wareegay goobihii ay gacanta ku hayeen, isagoo sheegay in uu jiro qasaare soo gaaray ciidamada dowladda KMG waxaana uu intaasi ku daray in hormar ay ka sameeyeen ciidamada dowladda dagaalkii saakay ka dhacay degmada C/Casiis.
 
Dagaaladan saakay dib oga soo cusboonaaday magaalada Moqdisho ayaa ku soo beegmayo xilli todobaadyadii u dambeeyay la hadal hayay diyaar garow dagaal ay waday Dowladda KMG, kaasoo ay ku sheegtay in todobaadyada soo socda ay duulaan saf ballaaran ku qaadi doonto xoogaga Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah.

WARYA TV
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com