Waraysi Khaas Ah oo Aanu La Yeelanay Guddoomiyihii Hore ee KULMIYE UK haatanna ah Guddoomiyaha Guddiga Radio Horyaal, Maxamed Yoonis Cawaale

2010-03-10

Waraysigan aanu la yeelanay guddoomiyaha sida ayuu u dhacay:

 

S: Warya TV wuxuu soo daabacay maqaal aanu filaynu inuu mid xaqiiqada ku salaysan ahaa balse aanu ahayn mid waxyeelo loogu geysanayo xisbiga, ma meel ka dhac baad u aragtaa in wixii jira laga sheego KULMIYE?

 

J: Marka ugu horreysa waxaan leeyahay, siyaasad ahaan xisbiga KUMLIYE wuxuu aaminsanyahay saxaafadda madaxa bannaan iyo xorriyatul qawlka. Haddaba run ahaantii, WARAYA TV ma qabo inuu wax uga jeeday laakiinse iyadoo shabakaddu xor u tahay waxay daabacayso, siday doonaan ha ahaadaane, haddana waxay ku fiicnaanayn lahayd intaan la daabicin maqaalka bal in lala soo xidhiidho dad dhexdhexaad ka ah khilaafka oo runtii iftiimin kari lahaa waxyaalo badan iyo xubno ka mid ah guddiga KULMIYE UK laf ahaantoodaba.

 

S: Maxay u jawaabi waayeen xubnaha xisbiga ee KULMIYE UK haddii ay iyagu qalad u arkaan maqaalka shabakaddan ku soo baxay?

 

 

J: Guddiga KULMIYE UK xubnihiisa iyaga ayey u taallaa inay waraysi idin siiyaan oo ay su’aalihiinana ka jawaabaan. Hase ahaate, anigu Maxamed Yoonis ahaan waxaan ka mid ahaa guddigii qabanqaabada ee goobta fadhiday maalintaas shirka lagu qabtay East London. Way jirtaa hadaladaas meesha laga yidhi ee aad soo daabacdeen laakiin waxaad ogaataan in cabashadii taageerayaasha iyo wakiilada laamaha UK ka soo yeedhay in la tixgeliyey oo aan la qaadan fikirkii ahaa in goobtaas loogu kordhiyo guddiga UK. Markaa tixgelintaas taageerayaasha la isla qaatay, waxa la gartay in talo dib la isugu noqdo sidii arrintaas loo heli lahaa xalkeeda. Waxa la isla qaatay kama dambayntii in shir lagu qabto Birmingham 27ka February, 2010 si arrimahaas halkaas loogu dhammeeyo. Nasiib darro may suuragelin inuu shirku dhaco 27kii February waayo waxa soo dhexgalay shir kale oo Manchester ka dhacayey 20ka February. Sidaas awgeed ayuu shirkaas Birmingham loo beddelay inuu ka dhaco London 6dii March. Markaa waxa muhiim ah in la ogaado in KULMIYE mar kasta ku xallilayey arrimihiis talo wadaag.

 

S: Waxa nagu maqaala ah in immika dib loo doortay guddiga KULMIYE UK oo wixii dhibaato ah ee jirtayna la dhammeeyey, bal arrinkaas ka warran?

 

J: Horta wax dhibaato ah oo weyn oo jiray ma jirin balse waxa lagu kala duwanaa aaraada iyo sida la doonayo in wax loo qabto. Meeshii ay hawli ka socotaba waxa ka soo baxa afkaar kala duwan. Haddaba afkaartaas kala duwan sida la isugu soo ururin lahaa oo la isugu soo dhaweyn lahaa ayey tahay in mudnaanta la siiyo. Sidaas awgeed, KULMIYE wuxuu awood, aqoon iyo xirfadba u leeyahay inuu had iyo jeer arrimhaas ku xalliyo wada tashi iyo isu tanaasul.

 

Haddaba aan su’aasha dib ugu soo noqdee, waa la doortay guddigii KULMIYE UK. Guddigaasi waxay isugu jiraan xubno ka tirsan guddigii hore iyo kuwo cusub oo lagu kordhiyey. Arrinkaasi halkaas ayaa si fiican loogu soo gebogebayey.

 

S: Muddo intee le’eg ayaa la doortay guddiga cusub?

 

J: Arrintan waxa gebi ahaanba sabab u ahaa dib u dhaca doorashooyinka Somaliland oo saamayn ku yeeshay hawlihii xisbiga gebi ahaanba. Waxaynu ka warqabnaa in doorashadu ay kolba dib u dhacaysay illaa iyo April 2008 maantaana aan weli la garanayn waqtiga ay dhacayso. Sidaas awgeed guddigana KULMIYE ee UK waxa la isla go’aansaday in ay xilkaas hayaan illaa iyo inta doorashadu ka dhacayso markaas ka dib ayuu xisbigu iskaga iman doonaa.

 

S: Maadaam aad tahay guddoomiyaha Idaacadda Horyaal, bal waxaad nooga warrantaa idaacadda Horyaal siday uga qayb qaadan doonto doorashooyinka madaxtooyada Somaliland ee soo socda?

 

J: Idaacaddani HORYAAL waa mid laga dhegeysto geeska Afrika, Carabaha illaa iyo bariga Afrika oo dhan. Qurbaha oo dhanna waxa laga dhegeystaa barta Internet-ka. Haddaba, idaacaddu waxay door weyn ka qaadan doontaa wacyi gelinta dadweynaha iyo baahinta wararka Somaliland gaar ahaan macluumaadka la xidhiidha siday shacabku codkooda u dhiiban lahaayeen si sharciga waafaqsan.

 

S: Taageerada uu KULMIYE haystaa intey le’egtahay haddi berrito doorasho lagu dhawaaqo?

 

J: Aniga aragtayda, u malaynmaayo inuu jiro xisbi ka taageero badan KULMIYE oo maanta ka jira saaxadda siyaasadda ee Somaliland. Waxaad ogtahay in Daahir Riyaale afkiisa ka qirtay inay dadku naceen. Waxa dhawaan sannad guuradii dhagaxtuurka ee February 22dii ay daweynuhu ku oriyeen madaxdii xisbiga UDUB iyo wasiiradii dawladda. Waxa dhacday bishan March 8dii ee maalintii dabaaldegga haweenka in ay dawladda ku dhacday weji gabax.

 

Maalintii Sabditidii ee la furayay SOMTEL waxa isugu yimid Hoteelka Maansoor dad xul ah oo la soo casuumay. Waxa goobtaas ay dawladdu kala kulantay weji gebax. Waxa iyaduna daliil u ah in KULMIYE taageero badan haysto sida loogu soo baxay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka dib markii lagu yidhi waddanka ma soo geli kartid. Run ahaantii WARYA TV ayuu ahaa shabakadda keliya ee warbaahinta Somaliland oo dhan warkaas soo daabacday. WARYA TV ayaana dabagalay arrintaas oo waraysiyo kala duwan ka soo qaaday niman farabadan oo masuuliyiin ah oo dawladda iyo mucaaradkaba leh.

 

Waxaas oo dhami waxay muujinayaan inaanay shacabku doonayn dawladda maanta ka jirta waddanka. Haddaba KULMIYE taageero wuu haystaa ee bal doorasho mar uun ha dhacdo.

Dhammaad

Warya Tv

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com