Cunug Jeebka Dhimasho Ka Bad Baaday Oo Xaaladdiisa Takhaatiir Aad U Badani La Tacaalayaan.
2010-03-13
Takhaatiir aad u fara baddan ayaa la Tacaalaya Xaaladda Caafimaad iyo Bad baadinta Nolasha Cunug aad u yar isla mar ahaantaa Culeyskiisu uu gaarayo 670g oo kaliya kaasoo ku dhashay Dalka China Feb. 24-tii.

Cunugaan oo Dhimasho ka bad baaday ayaa haatan waxaa gacanta ku haya Takhaatiir ka howl gasha Isbitaal ku yaal Degaanka Enshi,Gobalka Bubei ee Dalka China.

Takhaatiirta ayaa sheegay inay Xaaladdiisa ay la tacaalayaan Wali balse uu ilaa hadda Nasiib leeyahay iyadoona Caruurta sidaan ku dhalatay aysan intaas oo dhan Noloshu ku jirin.

Sawiradaan ayaa laga soo qaaday Maalinimadii Shalay aheyd waxaana wali uu ku jiraa Xaalad adag,waxaana ay tani ka mid tahay Abuurista Allaha Awooda Weyn.
WaryaTv Nairobi-Kenya
nadaara@waryatv.com









