Boqolaal Dad Ah Oo Maroodi Baqtiya Gaajo U Cunay
2010-03-13
Wararka naga soo gaaraya Dalka Zimbabwe ayaa sheegaya in Boqlaal Dad ah
oo Degan Degaan ku yaal Dalkaas in ay Dhameeyeen oo Lafo kaliya ku soo
Reebeen Maroodi aad u Weyn Hilboonna oo ay ka heleen Meydkiisa Meel aan
saas uga Fogeynka halka ay Deganyihiin.
Qaar ka mid ah Dadka Degaanka oo Duur-ka u wareegayay Gaajo dartii si uu isaga Nasiibsadaan bal innay Duur joog helaan ayaa ka soo dhul dhacay Meydka Maroodigga oo Maalmo Baddan Meesha yaalay.

Waxaa ay bilaabeen inay u baaqaan oo isugu yeereen Dadka Degaanka si ay uga baxaan Gaajo Beerka isku dhajisay oo ay muddo ku jireen waxaanay bilaabeen inay la soo ordaan Midiyo iyo Alaab ay ugu tala galeen inay Hilibka ku ritaan.

Feedh iyo Laad ayaa ka bilowday intii Hilib jaridda lagu Mashquul sanaa , markii Haweenay iyo Nin ay isku Qabsadeen Helidda Fargal ay ka dhexheleen Marooddiga oo labaddooduba isha ku wada qabteen intay ku jireen Jaridda Hilibka Maroodiga.

Intaas ka dib ayaa waxaa goobta laga tagay iyadoo Maran markii ay Gabi ahaan Hilibkii iyo Xubnihii Maroodiga wada qaateen iyagoona xittaa lafihii goobta uga tagin oo mar dambe wada qaatay.

Sida ay ku soo waramayaan Dad goob joogayaal ahi Degaanka ayaa labbo Habeyn ahaa mid shidan oo aan laga wada seexan iyagoona labaddaa Habeyn iyo Maalintoodaba ku jiran Dabaashaad farxadeed.

Isku soo wada duuboo Dhacdadaan ayaa Caalamka ku noqotay Mucjiso iyo Layaab,waxaana tani ay muujinaysaa Gaajadda Africa taala Inta ay Baaxad le'egtahay.


WaryaTv Nairobi-Kenya
nadaara@waryatv.com









