Ciidamadda Badda Faransiis-ka Oo Burcad Badeed Ku Wareejiyay Puntland.
Ciidamadda Faransiiska ee ku sugan Biyaha Soomaaliya ayaa Kooxa Burcad Bdeed Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso 24-Nin ku wareejiyay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland sida ay Waryatv u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Puntland.
Burcadaan oo lagu wada Markab Nooca Dagaalka ah oo laga leeyaha Fransiis-ka ayaa lagu wareejiyay Maamulka Puntland waxaana Ciidamadda Faransiis-ku ay sheegeen inay qabteen Burcadaan Maalmaho ka hor xilli ay baacsanayeen Markab Xamuul siday.
Ciidamadda Baddan Faransiis-ka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan Kooxo kale oo Burcad ah dhawaana ay ku wareejin doonaan isla Maamulkaas.
Mas'uuliyiin ka socota Puntland iyo Saraakiisha Ciidamadda Badda Faransiis-ka ayaa la sheegay inay kulan ay ku yeesheen markabka dushiisa isla soo qaadeen la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya.
Sikastaba ha ahaatee waa markii 9-aad oo Ciidamadda Faransiisku Burcad ku wareejiyaan Puntland iyadoona tani imaanayso xilli lagu eedeeyay Puntland inay xiriir la leeyihiin Burcad Badeeda.
WaryaTv Bosaso-Somalia









