Kalfadhiga Baarlamaanka DFKMG Oo Dhawaan Furmaya.

2010-03-13

 Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda KMG Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo Maanta gormeer ku tagay Xarunta Golaha Shacabka ayaa Shaaca ka qaaday in todobaadyadda soo socda ay dib u furmi doonaan Kalfadhiyadda Baarlamaanka Dowladda DFKMG ee Soomaaliya.

Aadan madoobe oo ka warbixinayay Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay innuu gebo gebo marayo dayactir lagu waday Xarunta.

Waxaa uu sidoo kale Xildhibaanadda Dowladda DFKMG ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan Dalka si ay uga qeyb galaan kal fahdiga Baarlamaanka oo dib u furmi doona.

Dhinaca kale Gudoomiyana ayaa sheegay inay aad ugu xunyihiin dhibaatadda soo gaaraysa Shacabka isagoona Hay'adaha Sama falka ugu baaqay inay Caawiyaan Dadka ku bara kacay Magaaladda Muqdisho oo Maalmihii dambe Dagaalo ka socdeen.

Gunaanadkii Gudoomiyaha ayaa mar walba afka ka dhaha innuu kal fadhigu furmayo iyadoona Xildhibaanadda Baarlamaanka ay dusha ka saareen dib u dhaca ku yimaaday kal fadhiga Baarlamaanka.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com