Wafdi Uu Hogaaminayo Aadan Madoobe Oo Turkiga U Duuley.

2010-03-13

 Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa Maanta ka dhooday Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya iyagoo ku sii jeeda Magaaladda Nairobi ugana sii gudbi doona Dalka Turkiga oo ay Casumaad ka heleen.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Dalka Turkiga marka ay Casumaadu uga dhamaato u gudbi doona Dalka Spain halkaas oo la filayo in 18-Bishan uu ka dhaco shir lagu jeex jeexayo Arrimaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha iyo Wafdiga uu Hogaaminayo ayaa Casumaad ka helay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Turki-ga waxaana la filayaa in marti qaadka ka dib ay labadda Gudoomiye ka wada hadlaan xal u helida Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee safarka Gudoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli Dalka ay ka wada maqanyihii Madaxdii ugu saraysa Dowladda KM.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com