Kabtanka UDUB (Riyaale) Waxaa Ka Khibrad Badan Kabtanka Kulmiye (Axmed Siilaanyo) Waana Xassan Shaxaataha Somaliland Siilaanyo

2010-03-13

Burco (Waryatv.com), Xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye ayaa maanta xartunta Gobolka Togheer ee Burco ka sameeyey isku soo bax aad u baladhaan, kaasi oo ka dhacay barxada hore ee xaruntooda magaalada Burco.

 

Isku soo baxan ayaa ka dambeeyey kadib markii habeenkii xalay ay madaxda xisbiga ee Gobolka Togdheer iyo waftiga uu hogaaminaayo Muuse Biixi Cabdi ay yeesheen kulan xog waraysi ah.

 

Dadweynaha isugu soo baxay saaka magaalada Burco ayaa guud ahaan xidhay jidka wadnaha, waxaanay dadka halkaasi isugu soo baxay ay ku dhawaaqayeen “Kulmiye Guul” “Udub Guul Daro” “Ucid Ha Noolaato” iyo ereyo kale oo aad u xamaasad badan.

 

Shacabka halkaasi isugu soo baxayaa waxaa si weyn uga qosliyey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu maamulka hada Somaliland ka taliya si tusaale ah ku muujiyey sida xulka kubada cagta ee qaranku leeyahay oo kale, waxaana ka mid ahaa hadaladisii

 

“Kooxda Qaranka ee uu Daahir Riyaale kabtanka u yahay waxay garoonka ku jireen oo ay ciyaarayeen 90 daqiiqadood iyo shan sano, Kabtanka kooxduna (Riyaale) uu daalay oo wakhti badan ayuu ku jiray garoonka, sidoo kale labda balood waxaa u taagan Wasiir Cawil iyo Ina dhoola yare, kuwaasina waa kuwo daalay wax gool ahna may keenin marka laga reeboo gool rikoodhe aha, kaasina waa goolkii lagu xoreeyey Gobolka Sool, waxaana khadka dhexe ka ciyaarayey Ciidanka Qaranka oo sabab u ahaa goolkaas”

 

“Kooxda uu Riyaale kabtanka u yahay waxaa laga sugaayey golal badan sida, Goolka ugu horeeya oo ah goolka ictiraafka, waxaa kale oo laga sugaayey goolka horumarka kaasna may dhalin, waxaan odhan lahaa kooxdaasi way daashay waayo ilaa hada 1-gool oo kaliya ayey dhaliyeen 90 daqiiqo ee lagu jiray ciyaarta, waxa guulo ahna may gaadhin”

 

Guddoomiya ku xigeenka Labaad ee kulmiye Muue Biixi Cabdi waxa u tusaale u soo qaatay in Axmed Siilaanyo uu ka waayo arag san yahay kabtanka kooxda UDUB waxaanu tusaale badan u soo qaatay guulihii axmed Siilaanyo ka soo hooyey dib u xorayntii Somaliland iyo hogaamintiisii gaar ahaan xiligii lagu sugnaa baliguabddle, waxaana uu yidhi

 

“ Axmed siilaanyo uu ka waayo aragsan yahay kabtanka kooxda UDUB, tusaale ahaan kabtanka Xulka Masar Ee Xasan Shaxaate ayuu matalaa Siilaanyo, Shaxaate waxa uu ku guulaystay seddex jeer oo isku xigta hogaaminta koobka qaarada afrika, Axmed siilaanyana waa sidoo kale oo waa rug cadaa waxaanu ku soo guulaystay koobkii Halganka iyo hogaamintisii SNM”

 

Hadalkaasi ayaa si weyn u gil gilay guud ahaan bulashadii maanta isugu soo baxday xarunta dhexe ee xisbiga kulmiye ku leeyahay Gobolka Togdheer gaar ahaana Magaalada Burco.

WARYA TV

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com