Haween Mindiyo ku-hubeysan oo Ciidamada Dawlada kaalmeynaya waxayna gawracayaan dhaawaca Kooxda Alshabaab (Daawo Sawirka haweeney Mindi ku-hubeysan)

2010-03-13

Waxaa sadexdii maalmood ee la soo dhaafey  magaalada Muqdisho lagu arkay arin Shacabka Muqdisho soo xasuusisay Naagihii Mooryaanta ahaa ee waagiii Ceydiid Mindiyaha wadan-jiray,kuwaasoo caan ku-ahaa inay gawracaan dhaawacyadana,qaarkoodna xiniinyaha iyo cali-fanaxa si arxan-darro ah ragga ooga jara-jiray,hadaba waxaa goobaha dagaalka maalmahan lagu arkay Haween sita Mindiyaal af-badan,loona maleynayo inay dhiiragelinayaan Ciidamada Dawlada oo cabsi la soo gudboonaatay,kadib markii Alshabaab ay gawraceen Askar aan tiradooda la qiyaasin

Hadaba Ciidanka dawladda ayaa lagu dhex arkayaa haween la socda oo ku dhiirigelinaaya in ay dagaalamaan oo aaney dhabarka jeedin, qaar kamid ah haweenkaas ayaa ku hubeysnaa Mindiyo laba afleh, waxaana la isweydiinaya shaqada ay qabanayaan haweenka sita mindiyaha labada afleh ee dhexboodaya ciidanka,inkastoo loo maleynayo inay gawracayaan dhaawacyada Kooxaha Islaamiyiinta.

Ciidamada Kooxda  aAl-Shabaab ayaa la khatar ku-ah in ay qoorta ka bireeyaan ciidamada ay maxaabiista u qabtaan, mana cadda in haweenkaan oo u badan Kawaanlayaasha Muqdisho oogu caansan,sababta ka dambeysa inay Mindiyo iyo faasas afeysan ka daba-wadaan Ciidamada Dawlada.

Warsidaha Caalamiga ee ShacabkaMedia oo xiriir la sameysay qaar ka mid ah Horjoogayaasha Ciidamada Dawlada ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka warkan,balse waxay ka gaabsadeen inay jiraan Haween gawraca dhaawaca

WARYA TV
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com