Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Warbixiyey Shirkii Waddamada Barwaaqo Sooranka Oo Uu Ka Qayb-Galay
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee
Golaha wakiilada oo maanta qoraal ka soo saaray nuxurka shirkaasi xambaarsanaa
ayaa sheegay in shirkaas lagu lafo guray noocyada nabadgalyada iyo waxyaabaha
kor u qaada, taas oo ay tibaaxeen in hadii dal uu hadheeyo musuqmaasuq,
cadaalad xumo iyo horumar la’aan aanay wax nabadgalyo ahi ka suurtoobi Karin,
hase yeeshee qoraalka uu Guddoomiye ku xigeenku soo saaray oo nuqul ka mid ahi
soo gaadhay Shabakada wararka ee WARYATV.COM waxa lagu bilaabay sidan: "Waxa si rasmi ah loogu martiqaaday
Golaha Wakiillada Somaliland shirweynihii Waddamada Barwaaqa-sooranka (CPA).
Shirkaa waxa ka soo qaybgalay 44 afar iyo afartan dal Madaxdooda,
Guddoomiyayaasha Baarlamaannadooda iyo xubno kale, Ergooyinku waxay ka
koobnaayeen sagaashameeyo Mudane, dal walbana ugu yaraan laba xubnood ayaa ka
socday. Baarlamaanka Somaliland wuxu si rasmi ah uga mid ahaa Ergooyinkaa halka
magaca Somalilandna uu ku qornaa waraaqaha rasmiga ah ee Ergooyinka iyo
waddamada shirka ka soo qaybgalay.
Shirku wuxuu furmay 31 January 2009,
waxaanu ka furmay xarunta Baarlamaanka Wadanka Ingiriiska Westminster London,
waxaana furay Afhayeenka Baarlamaana Ingiriiska, John Berco. Afar
maalmood ayuu shirku ka socday Magaalada London halka saddex maalmoodna uu
shirku ka socday Magaalada Belfast ee Gobolka Northern Ireland.
Halkaas oo uu martida Weftiga
ah ku soo dhaweeyey Afhayeenka Baarlamaanka Gobolka Northern Ireland Mr. William
Hay MLA. halkaas oo shirka lagu soo gebagabeey. Shirka waxa lagaga
hadlayey doorka Baarlamaanadu ku leeyihiin dhisidda iyo adkaynta nabadgalyada.
Waxa si weyn shirka loogu lafaguray
nabadgalyada iyo waxa dhisa ama dumiya, nabadgalyo in aan la´aanteed nololi
jirayn.
- Nabadgalyo Caddaalad la´aanteed
iin ayna jirayn.
- Nabadgalyo horumar la´aantii in
aanay jirayn.
- Nabadgalyo nolosha dadka oo kor
loo qaado la´aanteed inaanay jireyn.
- Nabadgalyo Saxaafad madaxbannaan
la´aanteed inaanay jireyn.
- Nabadgalyo waddan musuqmaasuq
hadheeyey in aanay ka jirayn.
waxa kale oo shirkaa lagaga hadlay
noocyada nabadgalyo sida nabadgalyo togan iyo nabadgalyo taban ama
nabadgalyo aan lug adag ku taagnayn oo xilli kasta dumi karta. waxa shirka si
weyn loogaga hadlay doork,a baarlmaanku ka qaadan karo toosinta maamulka iyo in
uu yahay ka xukuumad dheeli tiri kara. in laga rabo inuu toosiyo Xukuumadaha oo
uu ku dabagalo shaqada, maadaama oo uu matalayo shacbigii soo doortay in uu ka
turjumo baahida shacbiga.
Intii shirku socday waxa noo suurta
gashay in aannu la kulanno Madax badan oo shirka ka soo qaybgashay oo aannu
kala hadalnay arrimaha Somaliland. Madaxdaa waxa ka mid ahaa Afhayeenka
Baarlamaanka Ingiriiska oo hadalladiisii ay ka mid ahaayeen. "Casuumadda
Baarlamaankiinna Somaliland, Anigaa u fidiyey, waxay ka dhigan tahay
aqoonsi waanad heli doontaan aqoonsi rasmi ah, haddii aad la timaadaan
dadaalka la idiinka baahanyahay. Madaxda kale ee shirkaa ka soo qaybgalay waxa
ka mid ahaa Madax fara badan oo waddamo kala duwan oo ka socday. gebagabadii
shirkaasna waxa laga soo saaray War-murtiyeed ka koobnaa shan qodob."
Hargaysa/Somaliland
Cabdiqani Cabdilaahi Axmed









