Ururka Qoraaga Somaliland oo Shahaado Gudoonsiiyey Qoraa Xasan Cabdi Madar

2010-03-14

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo isugu jirtay soo dhaweyn iyo abaalmarin ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 13/03/10 uu Ururka Qoraaga Somaliland ee fadhigiisu yahay dalka Sweden uu ku qaabilay qoraaga caanka ah ee Xasan Cabdi Madar oo booqasho ku jooga dalka Sweden wakhtigan.


 

Hadhimo-maalmeedkan qoraaga loo sameeyey waxaa kasoo qayb galay xubno badan oo ka tirsan Ururka Qoraaga Somaliland oo uu hor kacayo gudoomiyaha ururku mudane Sayid Maxamed Yusuf, waxaana lagu qabtay xafladan hudheelka Blue Moon ee xaafada Rinkeby magaalada Stockholm.

 

Sheeko iyo talo wadaag lays dhaafsaday kadib waxaa goobta lagu gudoonsiiyey qoraa Xasan Cabdi Madar abaalmarinta buugga sanadka taas oo uu ku guuleystay kaalinta labaad buugiisa Barbaarsame tartankii buugta ee sanadkii 2009.


 

Waxaa goobta ka sheegay warbixin kooban oo ku saabsan hawsha qiimeynta buugta gudoomiyaha gudi hoosaadka ururka ee qiimeynta buugga ee sanadkii hore iyo sanadkanba mudane Maxamed Xirsi Guuleed; wuxuuna u hanbalyeeyey ugana mahad celiyey Xasan Cabdi Madar aqbalaada abaalmarinta buugga.

 

Ururka qoraagu wuxuu abaalmarinta kaalinta koowaad ee sanadkii 2009 siiyey buugga Hal Aan Tabayey ee uu qoray qoraaga caanka ah ee Maxamed Baashe Xaji Xasan.

 

 

Axmed-Keyse Cali Rooble

Stockholm, Sweden

Warya TV

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com