Dawladda Sheekh Shariif Oo Lagu Eedeeyay Inay Hubka Ka Iibiso Al-Shabaab Kana Ganacsato Fiisooyinka Lagu Galo Yurub Iyo Raashinka Wfp
Warbixinta Golaha Amaanka oo March 9 2010 lagu daabacay wargeyska The New York Times waxa lagu sheegay in boqolaal qof oo ka mid ah Budhcad Baddeeda Somalida iyo ururo argagixiso ah ay dawlada Sheikh Sharif ka iibisay Fiisooyin ay ku tageen wadamada Yurub. Dadkaas oo ku taga magaca dawlada Shariif ayaa la ogaaday in aanay dib dambe ugu soo noqonin Somaliya marka ay Yurub galaan.
Warbixintu waxay sheegtay in masuuliyiinta dawlada Sheikh Sharif ay u adeegsadaan haybada iyo magaca dawladnimo ee ay haystaan inay fiisooyin kaga dalbadaan dalalka Yurub, taas oo marka dambena ay ka iibiyaan dad aan awood u lahaadeen inay helaan Fiisooyinkaas.
“Wasiirada Somaliya, xubnaha Baarlamaanka, Diblomaasiyiinta iyo dilaaliin madax banaan ayaa ka dhigtay iibka fiisooyinka wershad wax soo saar leh iyagoo halkii Fiiso ku iibiya inta u dhexeysa $10,000 ilaa $15,000 “toban ilaa shan iyo toban kun oo Dollar” ayaa lagu yidhi warbixinta.
C/qaadir M.Nuur (Eno) oo ka mid ah ganacsatada ugu caansan Somaliya ayaa warbixintu sheegtay inuu ka mid yahay dadka ay xukuumadda Sheekh Sharif ka iibiso raashinka WFP ugu talo gashay in lagu caawiyo dadka baahan ee Somaliya. Mr.Eno, oo -xaaskiisu madax ka tahay NGO maxali ah oo hubisa in deeqaha raashinka ee Q.M ay gaadho dadkii loogu talo galay- ayaa warbixintu ku eedaysay inuu afduubo baabuurta xamuulka ah ee qaada raashinka WFP taas oo marka dambena uu raashinkaasi dib u iibiyo.
Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa warqad uu u qoray xoghayaha Q.Midoobay, Ban Ki Moon, waxa uu si weyn u difaacay Mr.Eno, oo ah ganacsadaha lagu eedeeyay inuu qayb weyn ka qaato lunsiga cuntada WFP ugu talo gashay dadka barakacayaasha ah. Sheikh Sharif ayaa warqadaasi ku sheegay in Eno uu yahay nin karti badan oo la’aantii aanay suurto gal noqoteen qaybinta mucaawinada Q.M.
Warbixinta ayaa sidoo kale ku eedaysay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/raxmaan Faroole, inuu xidhiidh adag la leeyahay budhcad baddeeda oo qayb ka mid ah lacagta ay madax furashada ka qaataan ku caawiya maamulkiisa.
Ugu
dambeyntii waxa lagu sheegay warbixinta Golaha Amaanka ee Q.M in dawlada
Sheikh Shariif ka iibiso hubka ay ku dagaalamaan ururada argagixisada
Somaliya oo ay Al Shabab ka mid tahay. “ inta badan hubka ay helaan
ururada argagixisada Somaliya kama yimaadaan Yemen oo keli ah balse
waxay hub ka helaan dawlada taagta daran ee ay taageerto Q.Midoobay”
ayaa lagu yidhi warbixinta. Waxana ay intaa ku sii dartay “Maleeshiyada
Sheikh Shariif waa kuwo aan awood lahayn, bilaa nidaam ah isla markaana
musuq maasuq hadheeyay”.
Warya Tv









