Wasaarada Arimaha Qoyska Oo Ku Dhawaaqday Qorshe Lagu Sugayo Xuquuqda Dadka Xad Gudubyada Loo Geysto
Wasaarada arimaha qoyska iyo horumarinta Somaliland ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday qorshe lagu sugayo xuquuqda caafimaad ee dadka dhibanayaasha iyo xadgudubyada loogu gaysto Somaliland oo loogu magac daray Baaqa iskaashiga wasaaradaha ee taageerada dhibanayaasha, iyagoo intaa ku daray in qorshahaasi la horgayn doono bisha april 2010-ka shirka golaha wasiiradu si loo ansixiyo isla markaana uu u noqdo sharci lagu daryeelo dadka dhibanayaasha ah. Wasaarada arimaha qoysku waxa ay sidaasi ku sheegtay warsaxaafadeed ay shalay soo saartay oo uu ku saxeexan yahay la taliyaha wasaaradaasi Khadar Qorane Yuusuf oo sidoo kale warsaxaafadeedkaasi lagu sheegay in dhawaan lagaga dhawaaqi doono qorshahaasi shir bari lagu qaban doono Huteelka Impiral ee magaalada Hargeysa warsaxaafadeedkaasi wasaarada arimaha qoyskuna waxa uu u dhignaa sidan:-
Warsaxaafadeed
Wasaarada arimaha qoyska iyo horumarinta bulshadu iyadoo kaashanaysa yahayda qaramada mibooday u qaabilsan horumarinta (UNDP) gaar ahaan mashruuca hoos u dhigida Gacan ka hadalka hubaysan (AVR) ayaa waxay masuul ka tahay inay hirgeliso habka daryeelka dhibanaha (VRM) iyadoo ay kala qayb galayaan wasaaradaha ay khusayso ee dawladu. Markii la dersay xaalada ay ku sugan yihiin dadka xadgudubyada loo gaysto ee Somaliland Waxaa la ogaaday in adeeyada Daryeelee loo fidiyaa ay yihiin qaar xadidan oo aan ku filnayn, inay jirto isku xidhnaan la’aan adeeg bixiyayaasha tirada yar dhexdooda iyo aqoonsi la’aan dhibanayaashu aanay aqoonsanayn xaqa adeeg helida ee ay mudanyihiin. Xaaladaasi waxay sii hurisay soo noqnoqoshada dhibaatada taasoo tilmaam u ah baahida in la mideeyo sharciyada jira.
Shirar wadatashi oo lagu lafo guraayo habkii loogu samayn lahaa qaab wada shaqayneed oo lagu taageerayo dhibanaha ayaa wuxuu soo bilaabmay 24kii bishii August 2009, waxaana lagu bilaabay shir wada tashi oo dhex maray wasaaradaha ay qusayso ayna marti gelisay wasaarada arimaha qoyska iyo horumarinta bulshada. Gudi farsamo oo la saaray ayaa Waxaa la isla qaatay in bil kasta la qabto shir wada tashi oo wasaaradaha dhexdooda ah. Intaas Waxaa daba socday iyadoo loo sharaxay kooxda ilaalinta dhibanaha (Protection Cluster) qorshaha qabyada ah ee baaqa iskaashiga wasaaradaha ee daryeelka dhibanaha.
Waxaa kaloo lagu si kooban loogu sharaxay hayadaha kale ee addeyada bixiya. Sidan ku rajo waynahay kulankan soo socdaa Waxaa lagu soo bandhigi doono qorshaha dhamaystiran ee baaqa habka iskaashiga wasaaradaha ee taageerada dhibanaha. Waxaana kasoo qayb geli doona dhamaan daneeyayaasha ay hawshani khusayso waxaan lagu rajo weyn yahay in bilaha soo socda baaqan laga ansixin doono golaha wasiirada. baaqani wuxuu gacan ka gaysandoonaa in si fudud oo iskaashi leh loogu sameeyo hab dhibanaha loogu fidiyo adeeg xaga caafimaadka, nafsiga (counselling )iyo sharciga ah.
Ujeedooyinka laga leeyahay kulanka lagu soo ban dhigayo baaqan waa sedan:
1. In loosoo bandhigo nuxurka baaqan hayada dowlada oo ay ugu horeeyaan kuwa baaqani khuseeyo, ee ay ka mid yihiin wasaarada daakhiliga, wasaarada caafimaadka iyo shaqada, wasaarada cadaaladda iyo wasaaradda arimaha Qoyska iyo Horumarinta bulshada, hayadaha maxaliga ah, bulshoweynta, hayadaha qaramada midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah.
2. In la shaaciyo lana laguna dhawaaqo dhamaystirka baaqa iskaashiaga wasaaradaha ee taageerada dhibanaha, kaaso bisha april ee inagu soo addan la horgeyndoono golaha wasiirada jamhuuriyada somaliland oo madaxweynuhuna gudoominayo.
3. In la hubiyo lana xoojiyo iskaashiga haayadaha adeega siiya dhibanaha, lana sharaxo masuuliyadaha kaladuwan ee kaga aadan dhibanaha wasaaraha baaqani khuseeyo.
kulanka loogu shaacinayo baaqa iskaashiga wasaaradaha ee taageerida dhibanaha
kulanka loogu shaacinayo baaqa iskaashiga wasaaradaha ee taageerida dhibanaha
qorshahan waxa kasoo qayb geli doona wasaaradaha dawalada ee ay khusayo, ururada bulshada rayidka ah gaar ahaan kuwooda adeega siiya dadka dhibtu kasoo gaadho xadgudubyada ee kana tirsan kooxda ilaalinta (Protection cluster) iyo kooxda kale ee kahortaga xadgudubyada xaga jinsiga ee haweenka (SGBV working group), komishanka xuquuqal insaanka qaranka, xarunta adeega dhibanaayasha jinsiga la xidhiidha (SARC), Jaamacada Hargeisa qaybta adeega sharciga (Legal Clinic), hayadaha qaramada midoobay iyo kuwa kale ee caalamiga ah.
Warya Tv









