Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Somaliland Dib Ugu Laabanaya
WARYA TV- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo in muddo ahba ku sugnaa isbitaal ku yaal xarunta Paris ee waddanka Faransiiska ayaa haatan xaaladdiisa caafimaad aad iyo aad u wanaagsantahay.
Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa la filayaa inuu illaa toddobaadka soo socda uu dib ugu soo laabto Somaliland.
WARYA TV oo khadka taleefanka lagagala soo xidhiidhay qolka uu madaxweyne-ku-xigeenku ku jiro ee isbitaalka ayaa loo xaqiijiyey in madaxweyne ku xigeenka xaaladiisa caafimaad aad u fiicantahay.
Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa waxa xalay ku soo booqday isbitaalka madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee waddanka Benin, Mathieu Kérékou.
Madaxweyne ku xigeenka oo xanuunsanaya welina isbitaalka ku sugan ayaa hadda ka hor beelaha qaar bilaabeen inay ku tartamaan jagadiisa sidii loo siin lahaa jagadaas iyadoo xafiiska madaxtooyadana ay weli ka soo baxayeen signalo jaah wareer ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xisbiga UDUB uu dooran doono murashax madaxweyne ku xigeen taasoo laga yaabo in dad badani haatan candhuuftooda dib u liqi doonaan maadaama madaxweyne ku xigeenki caafimaad qabo.
WARYA TV









