Wasiirka Madaxtooyada Koonfuur Afrika Oo Ka Hadlay Arrinta Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland

2010-03-14

 Wasiirka Madaxtooyada Dawladda Koonfurta Afrika Collins Chabane, ayaa ka hadlay qadiyadda Madax-Banaanida Somaliland iyo Aragtidooda la xiriirta. Waxaanu sheegay in Somaliland ay Mudan tahay in lagaga daydo habka loo maro dhismaha Qaran jira

Collins Chabane waxa uu ka hadlay Aqoonsi Caalami ah oo ay hesho Somaliland, isla markaana wuxuu xusay in Wefti ka socday Midowga Afrika oo sanadkii 2005 booqasho Xaqiiqo-raadis ah ku yimi Somaliland Warbixin ay ka soo saareen xaaladda dalka ay daaha ka rogtay Xaqiiqada Somaliland. ”Sidaynu ognahay Somaliland maanta waxay sheegtay inay ka go’day midowgii Somaliya, iyada oo daba socota Madax-banaanidii waqtigii Gumaysiga Ingiriiska, Arrinta Madax-banaani Caalami ah oo ay hesho Somaliland waa arrin ku xiran Beesha Caalamka, laakiin Warbixin ay Midowga Afrika ka soo saareen socdaal xaqiiqo-raadis ah oo ay ku tageen Somaliland 2005 ayaa arrintan ka hadlay. Waxay Sharaxday adkaanta in laga hadlo arrimaha Somalida. Warbixintu waxay indho indhayn ku samaysay, soona jeedisay in arrintan (Ictiraaafka Somaliland) laga doodo, loona arko mid xaalad taagan, iyada oo loo tixgelinayo xaqaa’iqa Taariikhda” Ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyada Koonfur Afrika oo ka hadlay Munaasibad dorraad loo qabtay bandhigga Buug ka hadlaya Hayaanka Dawladnimo iyo Ictiraaf-raadineed ee Somaliland oo uu qoray Iqbal Jasbahy oo ah Aqoonyahan wax ka dhiga Jaamacadda South Africa University, una ololeeya arrimaha Somaliland. Waxaanu intaa ku daray oo uu Wasiirku hadalkiisa ”Qaddiyadda Somaliland waa in loo tixgeliyaa hannaan lagu xalin karo xaaladda Somalida. Dawladda ku Meel gaarka ahi waxay si cad u sheegtay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Somalia, Arrinteeduna ay ku xiran tahay guud ahaan Somalida”

Wasiirku wuxuu ka hadlay oo kale aragtidooda ku waajahan Somaliland, waxaanu sheegay in dantu ku jirto in Nabad laga helo bariga Afrika. ”Dawladda Koonfurta Afrika waxay u aragtaa in nabadi ay ka hirgesho Geeska Afrika, taas oo la xiriirta xaaladda Sudan iyo arrimaha Somalida.” Ayuu yiri Wasiirku.

WaryaTv.com

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com