Burco Oo Gubanaysa + Maciishada Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Dibiro Degsiga Asxaabta.
Burco (Waryatv.com), Magaalada Burco ayaa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa si weyn looga dareemayey gubashada guryahay ay ku jiraan dadka shacabka ahi, taasi oo dad badan ku abuurtay war war iyo dhibaatooyin hor leh.
Gubashadan ayaa waxaa keenay xadhkaha laydhka oo si xad dhaaf ah u mara guryaha dushooda iyo jidadka waaweyn ee magaalada, todobaadkii la soo dhafayey ilaa labadii habeen ee ugu dambeeyey ayay ahayd markii ay gubteen ugu yaraan afar guri.
Magaalada Burco oo leh hal gaadhi oo dab-damis ah ayaa kaalin weyn ka qaatay bakhtiinta qaar ka mida gur yahaas, halka ay kuwa kalena shacabka ku nool magaalada Burco ay ku bakhtiiyeen gacmahooda.
Shirkadaha laydhka ee
Dadka rayidka ah marka aad la sheekaysato isla markaana aad wax ka weydiiso arrimahan ayaa waxay kuugu jawaabayaan “Burcaba way gubanaysaa”.
Geesta kale magaalada Burco waxaa aad u kacsan maciishada, taas oo gaadhay labadii maalmood ee ugu dambeeyey halkii ugu saraysay.
Geesta kale waxaa magaalada Burco ku sugnaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey masuuliyiin ka tirsan seddexda Xisbi Qaran ee
Burco/Somaliland
Waryatv
ibrahimqasim@waryatv.com









