Wasaaradaha Gobolka Togdheer Oo Haawanaaya!
Burco (Waryatv.com), Mar aanu saaka kormeer ku soo marnay qaybo badan oo ka tirsan xafiisyada maamulka Gobolka Togdheer ayaan haba yaraatee aanay ka soconin wax shaqo ahi, kadib markii aanu soo marnay dhawr Wasaaradadood.
Wasaaradaha aanu booqnay waxaa ka mid ahaa, Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer, Wasaarada War-faafinta, balse waxaa jira Wasaarado door ah oo hada si caadiya u wata shaqadoodii.
Mar aanu si gaara ugu kuur galnay qaar ka tirsan Wasaaradahaas waxaa Waryatv u soo baxday in Wasaarada War-Faafinta qaybo ka mida ay degaan xaafado dan yar ahi, kuwaas oo laga qaado kiro bile ah.
Ilaa hada ma cada sababta ay Wasaarada War-Faafintu uga ganacsanyso qaybo ka mid dhismaha Wasaarada War-faafinta, sidoo kale maamulka Gobolka ayaan wax talaabo ah ka qaadin arrintan.
Dhanka kale Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka ayaa waxaa hadheeyey musuq maasuuq aad u baaxdle, kadib markii la sheegay in shaqaalaha Wasaarada mushaharkoodii la musuq maasuqay, waxaana sidaasi Waryatv u xaqiijiyey qaar ka tirsan shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer.
Warar aad ugu dhuun daloola arrimaha shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka ayaa daaha ka rogay in lacagtaasi uu lun suday Xisaabiyaha Wasaarada Caafimaadku ee Gobolka.
Geesta kale arrinta musuq maasuuqa ayaa fooda isugu galisay Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka iyo Xisaabiyihiisa.
Burco/Somaliland
Waryatv
ibrahimqasim@waryatv.com









