Markab Nooca Dagaal Ah Oo Taagan Xeebta M/Bosaso

2010-03-14
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Bosaso ee Xarunta Gobalka Bari ayaa sheegaya in Dekadda uu ku soo xirtay Markab nooca Dagaalka ah oo ay ka dul kacayaan Diyaaradaha Qumaatiga u kaca sida WaryaTv ay u xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ah oo ku sugan Dekadda Bosaso.

Markabkaan oo marba marka ka dambeysa ku soo siqa Dekadda Magaaladda Bosaso ayaa laga leeyahay Dalka Maraykan-ka sida goob joogayaal isha ku qabtay u sheegeen Shabakadda Caalamiga ah ee WaryaTv.

Warar Daahsoon oo Daaho looga rogay WaryaTv ayaa tibaaxaya in Markaab uu u yimaaday si uu u bad baadiyo Ciidamadda PSI-ka ee laga Cabsi qabo inay Dharbaaxo Kulul uga timaado Madaxweyne Faroole oo hanjabaad u jeediyay.

Magaaladda Bosaso ayaa waxaa ka taagan Xiisad wixii ka dambeeyay Xil ka qaadistii uu Madaxweyne Faroole ku sameeyay Taliyaha Ciidamadda PSI-ta Puntland Cismaan Diyaano,iyadoona labadoodu ay hadalo Kul kulul isaga jeediyeen Saxaafadda.

Dhinaca kale Boqlaal Dadweyne ah ayaa isugu Uruuray Dekadda Magaaladda Bosaso si ay u indha indheeyaan Markabkaan Diyaaradaha Xambaarsan ee laga leeyahay Maraykanka.

Isku soo wada xuuriyoo Shacabka Magaaladda Bosaso ayaa ka cabsi qaba Xiisad ka dhalata hadaladda kulul kulul iyo Ciidamo isu Uruursiga ay wadaan Ciidamadda Puntland iyo kuwa PIS-ta.

Wixii Wara Oo Ku Soo Kordha Kala Soco WaryaTv.com

WaryaTv Bosaso-Somalia
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com