Webiga Jubba Oo Fatahaado Sameeyay.
Webiga Jubba ayaa bilaabay in uu ku fataho degmooyin katirsan Gobalada Jubbooyinka kadib markii deegaanada uu wabiga ka soo curto ee dalka Itoopiya iyo kuwa uu soo dhex maraba uu si weyn oga curtay roobka guga.
Wabiga Jubba ayaa ku fatahay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose oo ay ka mid yahiin Sanguuni, Goobweyn iyo degmada Jamaame wuxuuna durba gaystay khasaare u badan in uu baabi,iyo dalagyo beereed fara badan.
Beeralayda ku dhaqan gobalada Jubbooyinka ayaa ka walaacsan dhibaato uu fatahaadda Webiga ugaysto dalagyadii ay ku beerteen Biyaha Xareedda, waxaana haatan jira in maamulka ka arimiya deegaanada uu wabiga ku fatahay ay gudi kor meera sida ay xaalada tahay u direen halkaasi si ay u soo qiimeeyaan fatahaada iyo qasaaraha ay deegaanadaasi ka gaysatay
Xafiiska Waryatv Kismayo









