Ciidamadda DKMG Oo Amaan Sugid Ka Sameeyay Degmadda Doolaw.

2010-03-14

Ciidamo katirsan dowladda KMG Somalia ayaa Howlgallo balaaran ka sameeyey degmada Doolow gobalka Gedo kadib markii ay soo bateen kooxaha dhaca ugaysta gaadiidka dadweynaha ee isaga kala goosha degmada Doolow iyo magaalooyinka waaweyn ee gobalkaasi Gedo.

Howlgalo dhowr qof lagu soo qabqbatay ka sameeyeen Ciidamada Dowladda KMG Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Dhalinyaradan lagu soo qabqabtay howlgaladaasi ayaa lagu eedeeyey inay wateen hub fudud oo Bastoolado ah, waxaana lagu eedeeyey inay fulinayeen falal ka dhan ah amaanka Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxaana la dhigay xasbiga weyn ee magaalada oo ay gacanta ku hayaan maamuladii dowladda ee gobalada Bay,Bakool iyo Gedo oo hadda marti ku ah degmada Doolow.

Guddoomiyaha Degmada Doolow maamulka Dowladda KMG ayaa sheegay dhalinyaradan xabsiga u taxaabeen maalmaha soo socdana lasoo taagi doono maxkamad si dembigooda looga jaaziyo, wuxuuna shegay in aan la ogolaan doonin in hantida shacabka ay dhacaan Kooxo Burcad ah xilli degmooyinka kale ee gobalka Gedo ay yihiin kuwa Nabdoon.

Maamuladii dowladda ee ku sugan degmada Doolow oo bilihii lasoo dhaafay weday abaabullo dagaal iyo hanjabaad ka dhan ah islaamiyiinta Koonfurta Somalia ayaa hadda bilaabay in ay amaanka gacan bir ah ku qabtaan kadib cabasho uga timid shacabka isaga kala goosha Doolow iyo Gobalka Gedo intiisa kale.

Xafiiska WaryaTv Moqdisho

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com