Chelsea Oo Si Weyn U Xasuuqday Naadiga West Ham United
2010-03-14
Naadiga Chelsea ayaa Magaaladda London ee Carigga Ingrrs-ka ugu xoog
sheegtay Naadigga aan awooda saas u badan la heyn ee West Ham United
markii ay dirtay 4-Gool oo labo ka mid ah uu dhaliyay Weeraryahan-ka
Chelsea ee u dhadhay Dalka Ivory Coast Didier Drogba.
Ciyaarta oo Xiiso ku bilaabatay ayaa daqiiqadii 16-naad waxaa Goal Shabaqa West Ham United ku hubsaday Difaaca dhexe ee Reer Brazil R.Alex.
Chelase oo wali Maanka ku haysay inay Goalal kale ka sii dhaliso Naadigga West Ham United ayaa Daqiiqaddii 30-naad waxaa taageerayaasha Chelsea ku aamusiyay Weeraryahanka Naadigga West Ham S.Parker.
Ciyaarto oo noqotay mid Xiiso leh ayaa Goal-kii labaad ee Chelsea waxaa Shabaqa la helay Weeraryahanka Ivory Coast ahna Weerar-ka Africa Didier Drogba halka Goal-kii 3-xaad-na uu dhaliyay F.Malouda.
Goal-kii ugu dambeeyay ee ay ku niyad jabeen Naadiga West Ham United ayaa waxaa dhaliyay isla Didier Drogba.
Isku Day Bal In Aad Sameyn Karto
WaryaTv -Sports









