Arsenal Oo Dirqi Kaga Baxsatay Hull City Iyo Man Utd Oo Ka Aargoosatay Fulham.

2010-03-14

 Naadiga Arsenal Gunners-ka ayaa si dirqi ah kaga ad kaaday Naadiga Hull City kadib ciyaar Derbi ah oo ka tirsanayd horyaalka Premier League oo labada naadi ku dhexmartay hoyga naadiga HullCity.

Naadiga Arsenal Gunnerska ayaa daqiiqadii 14-aad ee Ciyaarta usuuragashay in ay dhaliso Goalkeedii ugu horayay waxana goalkasi saxiixay Arshavin inkstoo ay arsenal weerar cir iyo dhul ah ay ku qaaaday naadiga hull city hadana uma sura galin in ay dhaliso wax goal ah qeybtii danbe ee ciyaarta balse naadiga Hull city ayaa heshay daqiiqadii 28-aad goal gool ku laad ah kadib markii uu difaaca dabe ee arsenal South Campell uu qalad ku sameeyay mid ka mid ah weeraryahanda naadiga Hull City waxana goashaasi shabaqaba arsenal la helay J. Bullard inkastoo ciyaarta ay wareegi hore ay kuso idlaatay bar bar dhac goal iyo goal ah hase yeshe arsenal ayaa fursad u aragtay kadib markii ciyaarta laga saaray kabtanka naadiga Hull City G. Boateng daqiiqadi 45-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta.

Wareegii danbe ayaa la isgu soo noqday inkasto arsenal ay damacoodu ahaa in ay golal tira badan kadhaliso 10kii nin ee Hull city kadib markii ay difaac galeen ciyaarta ayaa 90-kii daqiiqo kuso dhamaatay bar bar dhac goal iyo gaol ah inkastoo ay quusteen tageerayaasha arsenal hadana waxa niyada usoo celiyay weeraryahanka Rer Denmark N. Bendtner oo dhaliyay goal kii guusha kadib 6 daqiiqo oo waqtigii dheeradka lagu daray ciyaarta sidaasina waxa guusha ku raacday Naadiga arsenal oo ku adkaatay 2 iyo 1.
Man utd iyo Fulham

Naadiga man utd oo iyagu ah naadiga horkacaya kala horaynta horyaalka Premier League ayaa gurgooda ku qaabilay naadiga fulham oo ay ciil saa'id ah u qabtay kadib markii lugtii hore oo ay is arkeen labadana jilbaha loo aasay naadiga man utd ciyaaarta oo dar dar horleh ku bilaabatay ayaan Naadiga man utd usuura gashay in ay dhaliyeen goalkodi hore daqiiqadii 46-aad waxana goalkasi u saxiixay weeraryahanka rer Egland Weyn Rooney kadib baas u ka helay saxibkiisa Nani isla rooney ayaa labaystay ka hor 6 daqiiqo dhamadki ciyaarta waxana kii sidexaad man utd i dhaliyay weeraryahanka rer bulgarea D. Berbatov sidas ayaa si la mid ah gusha ku raacday Naadiga man utd oo ka gar goosatay Naadiga fulham o kag adkaatay sidex iyo waxba.

Hoyaalka dalka egland ayaa waxa horkacaya naadiga man utd oo leh 66 dhibcood halka ay Chelsea leedahay 64 inkasto ay chelsea ciyaar ay baaqi u tahay arsenal ayaa leh 64 dhibcood halka ay Totaham ay leedahay 52 dhibcood.

Xassan Maxamed Aadan keysar
WaryaTv Nairobi-Kenya

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2012 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com