Iska Hor Imaad Ka Dhacay Tuuladda Seermaanyo Ee Gobalka Sool.
Wararka naga soo gaaraya Tuulooyin-ka Sarmaanyo iyo Damalla-xagarro oo ka tirsan Demadda Xuddun ee Gobalka Sool ayaa sheegaya in aano Qabiil oo halkaas Maanta ka dhacday lagu dilay 2-ruux halka labo kalena la dhaawacay sida Shabakadda Caalamiga ah ee WaryaTv ka heshay Ilo Wareedyo lagu kalsoonyahay.
Dadka Degaanka ayaa dhacdadaan ku tilmaamay Aano qabiil taasoo loo aarayay Qof sanadkii 2008-ddii lagu dilay Degaankaas.
Dhimashadda iyo Dhaawaca ayaa timid markii Meleeshiyaad Hubaysan iyo Dad saarnaa Gaadhi goobta marayay ay rasaas is wiidaarsadeen.
2- Qof dhaawacmay ayaa loo qaaday Tuuladda Xiingalood halkaasoo lagu dabiibayo halka labaddii dhimatayna lagu Aasay isla Degaankaas.
Waxaa haatan Degaanka ka taagan xiisad Calaadeed iyadoona ay socoto Waan waan xoogan oo lagu doonayo in looga hortago dirir xoogan oo dhex marta labadda beelood ee walaalaha ah.
Wixii ku soo kordha kala soco WaryaTv.com
WaryaTv Laas-Caanood









